Sheekh Dirir Iyo Sheekh Mustafe Oo Madaxda Somaliland Iyo Puntland Ugu Baaqay Inay Joojiyaan Dagaalka Ku Dhex Maray Tuka-Raq

0
1667

Hargeysa , (HargeisaPress) —Sheekh Mustafe Xaaji ismaacil Haaruun iyo Sheekh Maxamed Cumar Dirir  ayaa ku baaqay in la joojiyo dhiiga muslimka ee daadanaaya bisha barakaysan ee ramadaan oo ay ahayd in camal wanaagsan lagu camiro.

Waxa ay labadan Sheekh shalay khudbadihii salaadda Jimce ee masaajiidka ay tukiyaan ku baaqeen in la joojiyo dagaalka Tukaraq ee u dhexeeya Somaliland iyo Puntland, waxaanay labada dhinac ugu baaqeen inay xabada joojiyaan oo ay wada hadalo bilaabaan.

Sheekh Dirir

Sheekh Dirir oo khudbad ka jeediyay masaajidka uu Tukiyo ee badhtamaha Hargeysa,  ayaa ugu horayn wuxuu khudbadiisa ku yidhi “Haddii aynu bishii Ramadaan  ku jirno oo xurmo leh oo waxa lagu camirayaa ay tahay diin iyo cibaado in aynu iska dayno dhiiga muslimka ee la daadinaayo ama qabaa’ilku ha daadiyaan ama xukuumadaha iyo dawladuu ha daadiyaan, dhiigaas oo qolo waliba ay ka damqanayso, kuwa daadinaaya laftigooda ayaa mid waliba ku odhanayaa waan ka xumahay, waa run oo waa uu garanayaa, qofka muslimka ah ee la dilo walaalkii inay danbi tahay waa la garanayaa  Ramadaana sii darantahay, shucuubta laftigoodii ayaa ka damqanaaya dadka dhimanayaana waa dad ehel ah oo jaar ah oo diin iyo iimaanba ku walaaloobay, markaas baaqa aynu diraynaa waxa weeye dagaal walba waa laga heshiiyaa oo waligii ma socdo, dagaalka u dhaxeeya dadka jaarka ahna natiijo lagama gaadho lagumana kala guulaysto waayo qolana meeshii kama guurayso, waxa ku xumaada uun xidhiidhka oo cadaawad ayaa ku timaada.”

Sheekha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”Midha aynu ka hadlaynaa waxa weeye in laysku taago sidii loo soo afjari lahaa oo maamulada iyo dawladaha hawshaas u taagan dagaalkaas siyaasiga ah ay wada xidhiidhaan oo ay gartaan in aan natiijo laga gaadhayn, qolo walibana way damqanaysaa, sidaas daraadeed heshiisiin laysku taago, umada muslimka iyo cida ka madax banaanina ay iyaguna isku taagaan inay dhex dhexaadin ka galaan.”

Waxa uu Sheekh Dirir xukuumadaha u soo jeediyay intaan gaaladu dadka islaamka ah soo kala dhex galin inay arimahooda dhamaystaan “Waxaad arkaysaa in aan dagaalku wali shacabka gaadhin, waayo maalinta dagaalku socdo ayuunbay baabuurtu istaagayaan, xagaasna way ka imanayaan xagana waa ay ka imanayaan oo waa ay iska bilaabmayaan oo wadadii ayay iska marayaan, dagaalku shacabkii ma gaadhin oo siyaasadii ayuu ku kooban yahay, markaas waxaynu ku waaninaynaa walaalaheena xukuumadaha iyo dawladaha iyo cid kasta oo qalin iyo qaraar leh inay arintaas soo afjaraan allena ay kaga cabsadaan, wax walbana alle agtiisa iyo umadda agteedaba taariikh ayaa qormaysa, haddii taas la qaadan waayana kolayba waxa iman doona in gaaladii ina wada xukumi jirtay intay ina soo dhex galaan ay dubaha inoogu dhuftaan ay yidhaahdaan halkaas ku joojiya  oo aad hadalkooda qaadataan, markaas intaanay sidaasiba dhicin in aynu inagu is maqalno oo aynu dhamaysano ayaan ku talin lahaa.”

Sheekh Mustafe

Sheekh Mustafe Xaaji ismaacil Haaruun ayaa isaguna masaajidka caanka ah ee Ambassador ee uu tukiyo ee ku yaala magaalada Hargeysa, kaga hadlay dagaaladan, waxaanu yidhi “Dadkiina bulshadan magaca iyo maamuuska ku leh ama madaxda u ah, ama salaadiinta u ah ama cuqaasha u ah hadaad joojisaan aduunkana magac baad ku helaysaan iyo siyaado aakhirana ajar cadiim ah, alle waxa uu tilmaamayaa inay aakhiro ajar cadiim ah leeyihiin, alle waxa uu ina leeyahay alle ka cabsada oo waxa dhexdiina ah wanaajiya. Dhiig islaam ka daadinaaya iyo ka taageeraya iyo ka amraaya  iyo ka hantida ku bixinaaya  iyo ka ku faraxsan ee ka waramaaya  intuba waa isku mid, yaan hantidaadu kuu keenin yaan taladaadu kuu keenin, inta talada haysa ee dalka ka talisa  iyo inta shacabka maamushaa ee salaadiin iyo cuqaal u ah iyo inta aqoon yahan iyo indheer garad sheeganaysa waar balo ha horseedina ayaanu idin leenahay ee islaax hor seeda, qof muslin ah oo aad disho magac ku heli maysid.”

GEESKA

LEAVE A REPLY