Sheekh C/laahi Cali Jawhar Oo Ceeb Afweyn Ku Tilmaamay Colaad Beeleedka Mar Kale Ka Soo Cusboonaatay Ceel Afweyn

0
986
Sheekh C/laahi Sheekh Cali Jawhar

Boorama (Hargeisa Press.com): Sheekh C/laahi Sheekh Cali Jawhar, oo hogaaminayay  guddigii culimadda ee ka qayb qaatay dhex dhexaadintii colaad beeleedka Ceel Afweyn ayaa ka hadlay dagaalka degaankaas ka soo cusbonaaday.

Sheekh C/laahi Cali Jawhar, ayaa canbaareeyay dagaal beeleedka mar kale ka soo cusboonaaday degaankaasi oo uu ku tilmaamay mid ceeb weyn ku ah dadka reer Ceel Afweyn, maadaama oo hore heshiis loo kala dhex dhigay.

Waxaanu sheekhu sheegay in balan furka ay sameeyeen beelahaasi in abaalkeedda ay heli doonaan aduunka iyo aakhriba.

“Waa musiibo haddii ay soo  noqotay colaadii ummadii aanu shalay u gurmanay, ee aanu islaaxa dhexdoodda dhignay haddii aanu guddigii hore nahay iyo haddii gudigii danbe ay tahayba. Hadana haddii ay arrintaasi soo noqotay waa musiibooyinka ILLAAHAY SWT laga baryo in aanay soo noq-noqon.

Dadkii halkaa ku dhintay waxay xalaashadeen Dhiigii dhexdoodda ahaa, intii dilkaa gaysatay aduunyadana way ka heli doonaan abaalkeedda aakhirana way ka heli doonaan.

Ta labaad balan fur in ay sameeyaan ma aha, iyadoo la og yahay in balan la galay, oo lagu balamay nabad iyo wanaag.Waxaa ka mida calaamaadka waaweyn ee dadka munaafiqiinta ah in marka uu balan qaado uu ka baxo”ayuu yidhi sheekh C/laahi Cali Jawhar, oo maanta u waramay BBC.

 

Sheekh C/laahi Cali Jawhar, oo la waydiiyay in ka guddi ahaan markii horeba aanay si wanaagsan u dhamynin hawshaasi, waxa uu ku jawaabay,  “Maya, anagu wax bisil ayaanu ka nimid. Guddigii hore ee aan anigu hogaaminayay waxaa ka danbaysay guddi danbe ee suldaan Dhawal uu hogaaminayay.

Hawlahaasna waa la dhameeyay, nabad baa la isku ogaa. Laakiin, waxa soo cel-celinayaa waxa weeye waa dad aan bislayn xagga diiniyan, oo iimaankii ka tegay ayaa waxan soo cel-celinaaya, oo dhalinyaro ah. Dadkii waxgaradkoodda ahaana way ku wareereen”.

Geesta kale sheekh C/laahi waxa uu sheegay in aanay xal ahayn in maalin walba marka ay beelahasi dagaalamaan in ciidamo la kala dhex dhigo, balse taas bedelkeedd aloo baahan yahay loo baahan yahay in dadka waxgaradka ah ee degaankaasi ay u guntadaan sidii ay u kala dhex geli lahaayeen.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Taasi wax macquula ma aha, ciidanku goor walba ku dhex joogi maayo. Dhulkuna waa dhul aad u balaadhan oo aanay ciidamadu wadda kafaynaynin.

Foolxumana way nagu tahay in aan maanta dalalka jaarka u qayshano oo la yidhaahdo dhulka ayaa nagu balaadhan, ee ciidamo noo keena taasina ceeb ayay nagu tahay.Haddii dadka waayeelka ahi ay wax qaban waayaan, ciidan waxba ma qaban karo. Markaa dadkaa waxaan leenahay walaaleyaal caqligu ha shaqeeyo.

Anigu waataan hore idiin idhi Ceel Afweyn baa la idin yidhaahdaaye, ceeb Afweyn ha noqonina. Ma ceebtii Afka weynayd baad qaadateen. Hadana idinkamaanaan quusanine, dadkiina waxgaradka ah, dadkiina baayacmushteriga ah, culimadda wadanka joogta, odayaasha, waxgaradka walaaleyaal guntiga dhiisha isaga dhiga oo dadkiina kala dhex fadhiista”.

Ugu danbayn sheekh C/laahi Sheekh Cali Jawhar oo ka hadlayay xalka colaadda Ceel Afweyn waxa uu yidhi “Xalku wuxuu yahay dawladu in ay xooga saarto, oo ay dadka hubka ka dhigto, oo dadka xoog hubka lagaga dhigo, oo qofkii hubka dhigi waayana xabsiga la dhigo, oo qoriga laga qaado.

Waa in ciidamadu ay ku dedaalaan sidii ay dadka hubka uga ururin lahaayeen, waa sidaas fikradda aan anigu qabo”.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here