Sheekh Aadan Siiro oo ku taliyay in Xilka laga qaado Masuuliyiin Wadamada Jaarka ahi ka Cawdeen, Talooyina u soo jeediyay Xukumadda iyo Umadda Somaliland

0
1132

Sheekh Aadan SiiroHargeysa,(HargeisaPress) — Sheekh Aadan X. Maxamuud Xiiray(Aadan Siiro), ayaa hadal uu Bulshada Somaliland u jeediyay Salaaddii Ciidal Fidriga ee Maanta waxa uu ku sheegay inay haboon tahay Xil ka qaadis lagu sameeyo Masuuliyiin uu tibaaxay in wadamada Jaarka ahi ka Cawdeen, kuwaasi oo aanu Magacaabin.

Sheekhu waxa uu talooyin u soo jeediyay Xukumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Shacabka Somaliland.

“Walaalayaal, laba Arimood ayaan maanta odhanayaa. Mid waxaan Odhanayaa Qoladan Maanta Talada haysa, midna waxaan Odhanayaa Umadda Inteeda Kale. Xukumadda Maanta joogta ee Kulmiye Hogaaminayo, Waxaynu kula talinaynaa inay Kooxaysiga Yareeyaan. Waxaynu kula talinaynaa inay Noqoto Xukumad wada socota, oo aan ku tartamin Umadda waxeeda. Waxaynu kula talinaynaa inay Noqdaan Xukumad ilaalisa Wixii dadku ku heshiiyeen..Salla Calaa-Nabi, Baarakallaahu Fiikum..Waxaynu kula talinaynaa inay Noqoto Xukumad wada socota oo Taladeedu meel ka soo wada baxdo oo ay Meel ku wada aroorto, oo go’aanka ay qaadanayaan wada socdo” Ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.

Sheekh Aadan Siiro oo ka hadlaya waxa dhici kara haddii Xukumaddu talooyinkaasi qaadan waydo waxa uu yidhi “haddii Sidaas la yeeli waayo Khilaafkoodu wuxuu soo gaadhayaa Umadda Gudaheeda, Taasina waxay keenaysaa inay Bur-bur ku keento Dalka taladiisii. Waxaynu leenahay Taladiina Mideeya”

Sheekh Aadan Maxamuud Xiiray waxa kale oo uu soo hadal qaaday Masuuliyiin uu sheegay in wadamada Jaarka ahi ka cabanayaan “ Waxa kale oo aynu kula talinaynaa, Dadka ay ka cabanayaan Wadamada aynu jaarka nahay, Waar waxaanu leenahay dalku yaanu u dal-dalaanin Dhawr qof oo Xukumadda ku jira. Waxa weeye Qof walba Xuquuq ayuu leeyahay, Inagu umadd Xora ayaynu nahay, dad tashanaya ayaynu nahay, laakiin 4 Qof iyo 6 Qof iyo 8 qof iyo Afar Milyan oo Somaliland u dhashay, dee waxaynu dooranaynaa 4-ta Milyan ee Somaliland u dhashay. Waxaanu leenahay dalkani yaanu 8 Qof u daldalaanin, Arintaasi waa arin xaasaasiya, waa Arin umadda badani ka hadleen, waa Arin Anaguna aanu tilmaamayno” Ayuu yidhi Sheekhu.

Sheekh Aadan Siiro oo la hadlaya Masuuliyiinta uu Tibaaxay inay Wadamada jaarku ka cabanayaan waxa uu yidhi “ Kuwaana waxaanu leenahay, waar waxaa wanaagsan inaydaan Curyaamin Umadda horumarkeedii iyo Citiraafkeedii iyo Yoolkii dheeraa ee Umaddu hiigsanaysay. Aniga Aadan Ahaan Shakhsi ayaan ahay.haddii aan Dhib ku noqdo Mushtamaca Somaliland, dee Adeer waa inaan u fudaydiyo oo aan fursad siiyo dadka intooda kale. Maaha haddii anigu aan qori dable sito inaan dhinaca ka soo galiyo oo aan idhaahdo dadku ha ila xannib naadaan.”

Sheekh Aadan Maxamuud Xiiray waxa uu talooyin u soo jeediyay Bulshada Somaliland waxaanu yidhi “Dadka waxaanu kula talinaynaa, Waar dalkan Kooxi ma laha, Qabiil gaari ma laha, Xisbi ma laha, Dalkan In Habeenkii u shirta oo is-ogi ma laha, Dalkani Umadda ayuu ku dhexeeyaa. Waar ka daaya Labadan boqol ee magac ee aad ku cel-celinaysaan.

Dalalka Somaliland la dariska ah ee Jabuuti iyo Ethiopia ayaa xidhay xadkooda mudooyinkii u dambeeyay, kuwaasi oo la sheegay inay Masuuliyiin Xukumadda Siilaanyo ka tirsan la shaqayn kari waayeen.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here