Shariikaddaha Telesom, Dahabshiil Iyo Oomaar Waa Shaqo Abuurrayaal Shaqaalaysiiya Ardeyda Jaamacaddaha Dalka Ka Soo Aflaxda.

0
1169
Aqoonyahan Mohamed Hagi Mohamoud

Waxa ay bixiyaan adeeg dhaqaaale oo wax weyn ka tara horumarka waddanka. Gaar ahaan Telesom iyo Dahabshiil waa u laf-dhabar dhaqaalaha dalkeena. Qaran ahaan waxa innagu waajib ah in aynnu ilaashanno shariikaddaha shaqo abuurayaasha ah (biggest employers of Somaliland).

In dawladdu ay shuruuc dhaqaale soo rogto amma suuqa soo fara-galiso wakhtiyada adag waa laga ma maarmaan, laakiin waa in si asluubbaysan oo khiddad aqoonneed sare wadata ay kula macaamisho suuqa.

Dastuurka iyo xeerarka dhaqaale ee dalku waa ay dhiiri-galinnayaan suuqa xorta ah iyo maanka ganacsiga tartanka, gaar ahaan bixinta adeegga iyo iibka alaabbooyinka (supply of goods and service providing).

Sidoo kale suuqa in siyaasad la galiyo ma aha arrin habboon. Xisbiga Waddani ha ka dhawrsado fara-galinta tacaamilka dawladda iyo shariikaddaha madaxa bannaan ee suuqa. Wixii talo iyo tusaale ah si toolmoon oo miyir qab badan leh ha uga talo bixiyo.

Dhanka kale Shilling Somaliland waa in qiimihiisa si wadajir ah shariikaddaha waaweyni xil isaga saarraan. Hantidada iyo astaanta qaranka ha la dhawro. Dawladduna shuruuc siyaasad dhaqaale oo qoto dheer heshiisna ay ku yihiin shariikaddaha waaweyn ha u dajiso dalka.

Waxa aan soo jeedin lahaa dadka aan cilmiyan siyaasadda dhaqaalaha iyo amniga suuqa aan wax badan kala socon in ay faallada laab la kaca ah joojiyaan. Waxa mudan in qofku uu kaliya ka hadlo wax uu aqoon u leeyahay.

Haddii kale eray wal oo uu yidhaa waxa ay khasaare ku tahay suuqa. Dalkeenu waa dal aad u dhaqaale yar, dadkiisu tiro yar yahay, aqoon yari badan ayaa jirta oo xag walba ah, cid inna kaalmayneysa iyo garab toona dunida kuma lihin.

Sidaa darteed waxa aan soo jeedin lahaa in wanaag qunyar socod ah iyo miyir qab aynnu caqabaddaha dalka ee dhaqaalaha, amniga iyo kuwa siyaasadda aynnu ku waajahno. Somaliland ha noolaato.

By: Mohamed Hagi Mohamoud. Department of Politics and International Studies. The University of Warwick. Email: m.hagi-mohamoud@warwick.ac.uk, mohamedomar1@hotmail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here