Shaqada wanaagsan iyo sharafta ay shirkadda telesom bulshadu uqabto

0
1184

Shaqada wanaagsan iyo sharafta ay shirkadda telesom bulshadu uqabto

Shirkadda telesom waxaan shaqaalaheeda u ahaa macalin u dhiga waxbarashada heerka jaamacadeed waxaan ku bartay masuuliyad iyo dhiiranaan,waxay diyaar u ahaayeen dhamaystirka heerka koowaad ee jaamacada,waan ku nastay waayo dad u diyaara inay waxbartaan ayay dhamaantood wada ahaayeen.

Shaqaale walba shirkadda uu ka imaado ayuunbuu dhaqankeeda yeeshaa shirkadda telesom intii aan garaadsadayba waxaan maqlayay caawimo iyo deeqo ay dib ugu soo celin jireen dadkooda,waxay ahaayeen shaqaale akhlaaqdooda iyo qiyamkooduba dhisnaa

Shirkaddani waxay mudan tahay in la ilaaliyo dhaqaale-na loogu hayo bangiga si loo kabo waxay gaadhay heerka lahaanshiyaha dad ka badan 3000 qof waxaana magac ahaan marayaa Public private company.

Dawladda waxaan  farayaa in ay si cadaalad ah caqli badana ku jiro ugu maamushaa dadkeeda dalku meel wacanbuu marayaa dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba dawlad cusub ayaa dhalatay maaha in cadaadis badan miiska siyaasada soo saarto balse waa inay kaalinteeda kasoo baxdaa, Shirkaddan telesom waxaa hormood ka ah rag akhlaaq badan oo aan ka aqaano Abdikarin Mohamed iid

Xadeed

Khadar Abdirashiid

Mohamed aloore

c/rashiid iiman

c/naasir aadan

Waa dad aad moodo in meel laga soo wada qaaday waa dad dagan oo muxtarim ah dadka iyo shaqaalahoodubana jecel yihiiin

Hala ixtiraamo xuquuqda muwaadinka hana la dhawro sharciga

 

Muumin sh cumar Ahmed Fure

 

LEAVE A REPLY