Shacabka Reer Gabiley ooTaageero Balaadhan U Muujiyay xisbiga Waddani iyo Taageerayaal Cudud Leh oo ku soo Biiray + SAWIRRO

0
1443

Gabiley, (HargeisaPress) —Taageerayaal isbadal doon ah oo ku soo biiray xisbiga Waddani oo ka soo jeeda gobolka Gabiley ayaa maanta munaasibad balaadhan loogu qabtay magaalada Gabiley, waxaana kala soo qaybgaleen masuuliyiinta xisbiga Waddani oo uu horkacayo musharaxa Madaxweyne ku xigeenka xisbiga Waddani Mudane Maxamed Cali Cabdi, Xoghayaha Xisbiga, Gudoomiyaha Ololaha Xisbiga Waddani, Xildhibaano, Salaadiin iyo madax kale oo xisbigaasi ka tirsan.

Munaasibadan oo ay hadalo ka soo jeediyeen taageerayaasha xisbiga Waddani usoo digo rogtay ayaa waxa halkaasi ka hadlay Maxamed Axmed Jaamac oo ku hadlayey Afka dhalinyarada magaalada Arabsiyo, kaas oo sheegay inuu xisbiga Waddani aad ugu bogaadinayo magacaabida Xamse Cali Khayre loo magacaabay gudoomiyaha ololaha ee xisbiga Waddani oo ah nin dhalinyar ah oo aad u firfircoon, waxaanu yidhi isagoo arimahaasi ka hadlaya Mr Maxamed Axmed Jaamac “Waxa dadka degmada Arabsiyo ku cusub fal fool xun oo xukuumadu ay xalay calamadii xisbiga Waddani ee aanu ku taageeraynay xisbiga ay ku furfuray, macalimiin sanad aan mushahar la siin ayay yidhaahdeen maanta ayaanu mushahar idiin qoraynaa. Waxaan leeyahay dadka reer Arabsiyo waxaas ay Xukuumada Kulmiye idiin sheegayaan waa been, haday mar hore wax qabanayaan mar hore ayay soo bixi lahaayeen, markii taageerada ay dadku u hayaan xisbiga Waddani ay arkeen ayay yaacyaacayaan” ayuu yidhi Gudoomiyaha xisbiga Waddani ee degmada Arabsiyo.

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha, Mr Yuusuf, kaas oo ka dhawaayey sababaha keenay inay usoo digo rogtaan xisbiga Waddani, isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxyaabaha nagu kalifay in aanu ku soo biirno xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani waxa ka mid ah, iyadoo la dhaxal wareejiyey dhaqaalihii Waddanka oo ay ugu horayso dekedii Berberi oo ahayd lafdhabartii dhaqaalaha dalka ayaa loo gacan galiyey cid gaar ah, taasaana nagu kaliftay in aanu ku soo biirno xisbiga Waddani.

Waxa kale oo aan halkan fariin uga dirayaa musharaxa xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo aan leeyahay, Muuse Biixiyoow Somaliland waxay u baahan tahay nin u taliyee uma baahna nin u abtiriya.

Waxa kale oo aan halkan fariin uga dirayaa dadkii odhan jiray gobolka Gabiley waxa uu u xidhan yahay xisbiga Kulmiye oo kaliya, waxaanan dadkaasi leeyahay waydinkaa arka oo gobolka Gabiley waxa uu doonayaa isbadal, Kulmiye ku badali-mayno Kulmiye kale.

Sababta labaad ee na keentay xisbiga Waddani waxa ka mid ah gobolnimada Gobolka Gabiley, waxaananu u aragnay cida arintaasi noo ansixin karta inuu yahay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), gudoomiyaha xisbiga Waddani.

Reer Gabileyoow yaan maanta la inagu beer laxawsan Sacad Muuse Ahaan, sideed sano ayuu xisbiga Kulmiye ku fadhiyey oo uu ansixin waayey gobolnimada Gabileye”

Waxa kale oo iyaduna halkaasi ka hadashay Canab Yuusuf Oogle oo ku hadlaysay magaca ururka Gurmaal oo iyagu maanta ku soo biiray xisbiga Waddani waxaanay masuuliyiintii xisbigaasi uga mahadnaqday sida diiran ee quruxda badan ee ay ugu soo dhaweeyeen xisbiga Waddani, waxaanay Marwo Canab ilaahay uga bariday inuu xisbiga Waddani ku guuleeyo halka uu u socdo.

Sidoo kale waxa iyaduna halkaasi ka hadashay Nimco Mawliid Aw Nuux oo ka tirsan ururka dhalinyarada ee RAJO ee gobolka Gabiley waxaanay Marwo Nimco ay sheegtay inay yihiin dhalinyaro ku midoobay sidii ay dalka u badbaadin lahaayeen, oo ay taageero buuxda ugu muujinayaan Madaxweynaha dhawaan iman doona dalka ee Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro.

Intaasi ka dib markii ay hadalada qaateen Dhalinyaradii ka kala socday ururada Bulshada ee Gobolka Gabiley ee taageeradooda ula soo huleelay xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, waxa iyaguna qaybtii dambe ee hadalka qaatay Masuuliyiinta xisbiga Waddani ee uu horkacayey Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka xisbiga Waddani Mudane Maxamed Cali.

Ugu horayna waxa halkaasi ka hadlay Xildhibaan Bashiir Tukaale oo laga soo doortay gobolka Gabiley “Maanta runtii waxa aad cadayseen hadalkii beenta ahaa ee Gabiley cidbay u xidhan tahay, Gabiley cidna uma xidhna oo waydinkaa cadeeyey. Baribaa waxa jirtay Gabadhbaa Aroos walba ka heesi jirtoo maalintii dambe ayaa iyadii la aroosay, Arooskeedii ayay ka ciyaartoo waxay tidhi ‘Awalba waan qalaadinayee maantana waa qudhaydii’, waxaan uga socdaa musharax ku xigeenka xisbiga Waddani waa nin reer Gabiley ah xisbigan Waddani cidii soo saartay markii lagu dhawaaqayna waa reer Gabiley, Gabiley la’aanteed Waddani muu jireen.

Kumiye sidii halkan laga sheegay wuxuu yahay waynu naqaanaa, reer Gabiley waxaan leeyahay codkiinii maanta ayaad gacanta ku haysaan ood ku aargoosanaysaan, waxa aad ogtihiin in Madaxweyne Siilaanyo warqadii gobolnimada Gabiley loo qoray oo lagu yidhi Gobolka Gabiley shuruudii wuu buuxiyee degdeg usoo gudbi wali lagama hayo Madaxweyne Siilaanyo, waxa ay maraysaa lix bilood in ka badan.

Gobolka Gabiley waxa magacaabay Daahir Rayaale Kaahin, xisbiga Kulmiye wax ansixin ah lagama hayo, balse hadii aanu Waddani nahay waxa aanu balanqaadaynaa in gobolka Gabiley talaabada ugu horaysa ee aanu qabanayno ay tahay Gobolnimada Gabiley” ayuu yidhi Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale.

Gabagabadii waxa isaguna halkaasi ka hadlay Musharaxa Madaxweyne ku xigeen ee xisbiga Waddani Mudane Maxamed Cali Cabdi, waxaanu Musharaxu uu dhamaan taageerayaasha ku soo biiray uu uga mahadnaqay inay cududooda ku biiriyaan xisbiga Waddani si isbadal fiicani uu dalka uga dhaco marka la gaadho doorashada fooda inagu soo haysa.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY