Shacabka Degmada Ceel-Afweyn oo soo Dhaweyn Ballaadhan Ku Qaabilay Murrashaxa KULMIYE iyo Wefti uu Hoggaaminayo+ SAWIRRO

0
1138

Ceel-Afweyn, (HargeisaPress) —Shacabweynaha ku dhaqan degmada Ceel Af-weyn ee gobolka Sanaag, ayaa soo dhaweyn aan loo kala hadhin ku qaabilay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo.

Guddoomiyaha KULMIYE iyo wefti uu hoggaaminayo oo isugu jira wasiirro, xildhibaanno, siyaasiyiin, salaadiin iyo xubno kale, ayaa waxa goob ka baxsan magaalada kaga hor tegay kumanaan kamid shacabka degmada Ceel-Afweyn oo u hoggaaminayo boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow, cuqaal iyo salaadiin uu hormood u yahay suldaan Siciid Yuusuf Xaaji Ducaale, waxana weftiga loo gelbiyey madal loo asteeyey in shacabka lagala hadlo.

Siyaasiyiinta, xildhibaannada, cuqaasha, boqorrada, aqoonyahanka iyo haldoorka degmada Ceel Af-weyn oo madasha ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey murrashaxa KULMIYE iyo weftiga uu hoggaaminayo, waxana ay si xeeldheer u ammaaneen waxqabadka xukuumadda KULMIYE halkaas ka fulisay, iyaga oo ku ballan qaaday inay si ballaadhan ugu codayn doonaan xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisa.

Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow iyo Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale oo halkaas ka hadlay, ayaa guddoomiyaha iyo weftigiisa ku bogaadiyey safarkooda, waxana ay sheegeen inay shacabka degmada Ceel-Afweyn diyaar u yihiin inay xisbiga KULMIYE u codeeyeen.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo halkaas ka hadlay, ayaa shacabka degmada Ceel-Afweyn ku bogaadiyey soo dhaweynta ballaadhan ee ay u muujiyeen weftiga iyo weliba taageerada ay xisbiga u muujiyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here