Saylici Ma Wuxuu Madaxweyne-ku-xigeen U Yahay Awdal Iyo Salel Oo Kaliya Mise Somaliland Dhamaanteed???. Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax(Jeesto).

0
1129
Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).

C/raxmaan  C/laahi  Ismaaciil  (Saylici)  waa  Madaxweyne-ku-xigeenka  Jamhuuriyada  Somaliland, Sidoo  kale  waa  u  qaabilsanaha  Golaha  xukuumada  Somaliland  ee  hogaanka  u  haya  Hay,adaha  gargaarka  deg-dega  ah  iyo  kuwa  horumarinta  ee  qarankan  ka  hawl-gala,  Hadaba  anigoo  tixraacaya  sumadaha  dastuuriyanka  ah  ama  kuwa  Golaha  Cabinetka  Somaliland  ee  u  igmay  inuu  mudane: Saylici  noqdo  Gudoomiyaha  Gudida  Gurmadka  duufaanta  dhacdey.  Duufaantan  sagal  ama  masiibadani  waxay  ku  habsatey  dhamaan  xeebaha  waqooyiga  iyo  galbeedka  Somaliland,  ee  Gobalada  Gabiley,  Awdal  Iyo  Salel,  waa  kuwa  ugu  ba,an  dhinaca  waxyeelada  ay  duufaantu  gaysatey  haday  tahay  xoolo  mood  iyo  noolba  iyo  waliba  nafo  bani-aadam  oo  xaqii  haleelay.

Gurmashada  saameynta  duufaantu  waxay  aad  u  wax-yeelaysay  Gobalka  Gabiley  deegaanadiisa  waqooyi  kuwaasoo  kumanaan  ka  mid  ahi  ay  ku  barakeen  ooy  ku  waayeen  xoolohoodii  ay  ku  noolaayeen  iyo  hoyadii  ay  galeen  hadaan  yara  dul  maro  si  waadix  ah  deegaanadaa  waxa  ka  mid  ahaa.

1:  Buqdhada

2: Gari-go,anka

3: Boocda

4: Gobka  Daarimo

5:Caada.

6: DHabiga

7: Hadhley

8: Isha-gudban.

9: Xamarta- Hogeed.

10:Bus.

Deegaamadani  oo  ah  kuwa  aad  u  balaadhan  umad  fara-badana  ay  ku  dhaqan  tahay   ayaa  waxa  la  darsay  masiibadani   duufaantu  ay  keentay,  Yagoo  qaarkood  ay  noo  sheegeen  iney  dirqi  ku  baxeen  naf  ahaan  waa  kuwan  ku  waayey  xoolahoodii  kuna  soo  b iirey  liiska  barakacayaasha  ama  caydha  waayo  maantaba  ma  haystaan  hoy   ay  ku  kalsoon   yihiin  ama  xeraad  la  hubo  waxaaney  raaceen  duufaanta.

Deegaamadan  waqooyiga  Gobalka  Gabiley  ee  yagu  ku  hoobtay  aafadaa  dabiiciga  ah  wali  laguma  darin  liiska  qaranka  ama  muu  soo  hadal  qaadin  Madaxweyne-ku-xigeenka  Qaranku  ee  isagu  ahaa  Gudoomiyaha  gudida  gar-gaarka ,  Waxaaney  xuseen  deegaamada  Salel  Iyo  Awdal  hoos  yimaada  kuwaasoo  aad  kor  loogu  qaadey  qaylo-dhaan  balaadhana  loo  sameeyey,  Waliba  la  soo  gaadhsiiyey  gurmadka  madaxiisii  halka  kuwa  waqooyiga  Gabiley  aan  la  soo  jaleecin  cidina  aaney  is  weydiin  ta  kale  kuwani  reer  gabiley  miyaaney  aheyn  muwaadiniin  reer  Somalilandna  oo  dalkooda  xuquuq  ku  leh?,  Hadaan  eegno  baaqii  ugu  danbeeyey  ee  Gudida  Gurmadka  oo  Madaxweyne-ku-xigeenku  direy  maanta  kumuu  darin  tirada  deegaamada  duufaantani  ku  habsatey  kaliyaata  waxa  uu  xusey  Salel  Iyo  Awdal , Halkaana  waxa  nooga  cad  in  Madaxweyne-ku-xigeenku  aanu  malaha  isagu  masuul  ka  aheyn  Deegaamada  Gobalka  Gabiley.

Shucuurta  iyo  dareenka  dadka  duufaantu  halakaysay  ee  Deegaamada  Gabiley  waqooyigoodu  waxay  u  arkaan  Madaxweyne-ku-xigeenka  Qaranka  mid  aan  yaga  xisaabta  ku  darsan  oo  ka  saarey  umadaasi  liiskii  umada  reer  Somaliland  waayo  hadii  kale  waa  loo  soo  gurman  lahaa,  Qaarkood  aan  la  xidhiidhey  waxay  ii  sheegeen  in  hadii  uu  xataa  Madaxweyne-ku-xigeenku  soo  hadal  qaadi  lahaa  ay  u  noqon  lahayd  yaga  Xumad  Jabin  ama  DHiig  Joojin  dhibtii  doontaa  ha  jirtee  balse  Qarankayaga  waan  ka  agoomawney  taasina  waxa  la  weydiin  Madaxweyne-ku-xigeenka  Qaranka  Mudane  C/raxmaan  C/laahi  Ismaaciil  (Saylici),  Oo  isaga  aaney  aqoon-daro  ka  heyn  deegaamadan  ay  ood-wadaagta  yihiin  isagoo  si  fiican  u  kala  garanaya  dadka  iyo  deegaankaba  hadana  mooyaan  sababta  uu  u  xusi  waayey, Midna  lagama  aqbalayo  masuulkani  Qaranka  xilka  weyn  u  haya  liidasho  dhinaca  ogaanshaha ah  waxana  xaqiiqo  aan  haynaa  sida  uu  Salel,  Awdal  Iyo  waliba  Saaxil  uu  u  ogyahay  in  Gabiley  uu  yadna  ogyahay. Waa  hadal  qof  aan  la  xidhiidhey oo  deegamadaasi  ah.

Maraga  ogaalka  ama  war-bixinta  dhinaca  xukuumada  waxa  mediayaha  ka  sheegay  Badhasaabka  Gobalka  Gabiley ,  Kaasoo  xusey  iney  war-bixino  iyo  waraaqo  u  direen  xukuumada  jamhuuriyada  Somaliland  oo  arintani  uu  u  qaabilsan  yahay  Madaxweyne-ku-xigeenka  Qaranka, Hadaba  masuulkani  hada  waxa  looga  fadhiyaa  inuu  kala  cadeeyo  in  isagu  ka  boodsiiyey  deegaamadani  gurmadka  iyo  soo  hadal  qaadkaba  Iyo  inay  tahay  awood  ka  sareysa  isaga  oo  lagu  cadaadiyey  soo  maritaanka  ama  soo  hadal  qaadka  deegaamadani,  Hadiise  aaney  jirin  intaa  midkood  waa  inuu  daw  bixiyaa  shacabkiisaa  dulman  ee  uu  sida  iska  caadiga  ah  indhaha  uga  qarsadey  yadoo  masuuliyad  guud  iyo  gaar  ahiba  ay  ka  saaran  tahay  isaga  Saylici  ahaan,  Isku  ku  soo  wada  xooriyoo  waxa  looga  fadhiyaa  odeygu  inuu  umadiisa  wax  fahansiiyo.

Mid  kalena  waa  daw  Soomaalida  tidhaahda  (Nin  durmaan  qaatey  ilaaq  dalbey),  Isagoo  Madaxweyne-ku-xigeenkii  qaranka  ah  hadii  uu  Gudoon  ka  noqday  Gudida  Gurmadka  ee  aafadaa  duufaanta  miyaaney  habooneyn  in  wixii  xukuumada  iyo  wixii  hay,adaha  hoos  taga  isaga  inuu  dalkoo  dhan  si  garbo  siman  ah  ugu  qaybiyo,  Arinta  gar-naqsigayguna  ma  aha  af-lagaado  ee  waa  la  xidhiidha  daw  bixin  gaf  cad  oo  umad  laga  galey, Anigoo  sadarkaygii  hore  sii  wata  hadii  saad gurmad    laguu  dhiibo  wadanku  ma  gurigiina  uun  baa??????   Waxaan  ku  soo  af-meerayaa  sharaxaadka  dhibaatadaa  iyo  indho  ka  qarsigeeda, Saylici  hanoo  cadeeyo  inuu  yahay  Madaxweyne-ku-xigeenkii  Qaranka  Somaliland  ama  Madaxweyne-ku-xigeenka  Salal  Iyo  Awdal?????????????,  Nin la  sugayaw  adna  yaad  sugi  ,  Jawaabtaadu  waa  mid  sooyaalka  gali  doonta  hadaad  ka  aamustana  wixii  la  sheegayey  ayay  wax  ka  jiraan.

 

Qalinka:  C/raxmaan  Sayid  Faarax(Jeesto)

Diplomatic  Annalism.

Gabiley/Somaliland.

LEAVE A REPLY