Sarkaalad Ka Tirsan Hay’adda WHO Oo Xalay Lagu Dhaawacay Magaalada Laascaanood

0
918

Hargeysa, (HargeisaPress) —Waxa xalay magaalada Lascanod toogasho lagu dhaawacay hooyo Ugaaso Xasan oo ah sarkaalad ka tirsan hay’adda Qaramada Midoobay ee WHO.

Hooyo Ugaaso, ayaa dhaawaceeda la geeyay cisbitaalka Lascanod, waxaana la sheegay inay xaaladeedu degenayd islamarkaana ay u muuqatay in caafimaadkeedu soo raynayo.

Ma jiro cid xalay loo qabtay falkaas, laakiin ciidamada ammaanka ayaa markiiba soo gaadhay goobta lagu toogtayo Ugaaso Xasan oo caan ka ah magaalada Lascanod.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here