Sarkaal Sheegay inay Rumeysan yihiin in la dilay Hoggaamiyaha Al-shabaab

0
1134

news logo HPMuqdisho,(HargeisaPress) — Iyadoo ku saabsan in hoggaamiyihii Al-shabaab lagu dilay duqeyntii Mareykanka uu geystay habeen hore, ayaa haddana sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaaliya wuxuu sheegay inay si aad ah u rumeysn yihiin in la dilay Godane.

Sarkaalkan oo u warramayay Wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP ayaa sheegay inay aamisan yihiin inuu dhintay, Axmed Godane oo loo yaqaan Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu-Zubery, inkastoo aan weli si dhab ah loo xaqiijin geeridiisa.

“Waxaa jira hadal-hayn aad u xooggan oo sheegaysa inuu dhintay… taasina waxay u baahan tahay xaqiijin, mana ahan wax fudud in la xaqiijiyo,” ayuu yidhi sarkaalkan oo diiday in magaciisa la sheego.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu mar kale yidhi. “Waxaan rumeysanahay in hoggaamiyihii Al-shabaab uu geeriyooday, balse weli ma aanan arag maydkiis, inta badanna waxaa la rumeysan yahay inuu duqeynta ku dhintay.”

Sidoo kale, wuxuu sheegay sakraalkan in aysan weli Al-shabaab arrintan ka hadlin, welina waxaanu qiimeynaynaa xaaladda. Isagoo ku adkeystay inuu dhintay Axmed Godane.

Wakaaladda wararaka AFP ayaa sheegtay in xiriir ay la sameysay saraakiisha Al-shabaab ay diideen inay ka hadlaan warkan ku saabsan in amiirkoodii uu dhintay iyo in kale.

“Ma doonayno inaan ka hadalno dacaayadaha ay baahinayaan Mareykanka oo ah inay dileen hoggaaminaheennii,” ayuu AFP u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn ay la beegsadeen laba gaari oo uu saarnaa amiirka Al-shabaab habeenkii Isniinta, balse weli ma shaacin in hoggaamiyihii Xarakada Al-shabaab ay duqeynta ku dileen iyo in kale.

Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas lagu dilay lix sarkaal oo ka mid ah kuwooda, inkastoo aysan sheegin inuu ku jiray hoggaamiyahooda iyo in kale, halka saraakiil Mareykan ah ay sheegeen in la rumeysan yahay inuu ku dhintay Godane weerarkaas.

Axmed Cabdi Godane oo da’diisa lagu sheegay inay da’diisu tahay 37-jir ayaa la sheegay inuu tababar lasoo qaatay xoogagga Daalibaan ee dalka Afgaanistaan, isagoo xilka hoggaanka Al-shabaab qabtay sannadkii 2008, kaddib markii hoggaamiyihii kooxdan, Aadan Xaashi Cayroow uu ku dilay Mareykanku duqeyn.

Dowladda Mareykanka ayaa horay madaxiisa u saartay Godane lacag dhan toddoba milyan oo doollarka Maryekanka ah, taasoo la sheegay in la siinayo ciddii soo sheegta xog ku saabsan.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer weerar culus ku qaaday xarumo dowladdu ay ku leedahay Muqdisho, kuwaasoo ay ka mid yihiin; madaxtooyada, godka jilicwo iyo dhismaha baarlamaanka Soomaaliya.

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here