Salaadiinta,Ugaasyada Iyo Boqorada Beelaha Sacad Muuse Oo Taageer Mugleh U Muujiyay Go’aanka Muda Kordhinta Golaha Guurtidu U Samaysay Xukuumada Iyo Golaha Wakiilada.

0
1102

Hargeysa, (HargeisaPress) — Salaadiinta,Boqorada,Ugaasyada Iyo Waxgaradka kale ee beel weynta Sacad Muuse ayaa shir ay Hargeysa ku yeesheen taageero xoog leh ugu muujiyay mudo kordhinta Golaha Guurtidu u sameeyeen Xukuumada iyo Golaha Wakiilada Somaliland,waxaanay ugu baaqeen dhamaan shacabka reer Somaliland in la ilaaliyo Nabadgalyada iyo Wada Jirka Shacabka,iyagoo si gaar ah fariin ugu diray Axsaabta  Mucaaridku inay Bulshada ka daayaan naxdinta iyo hadalka iyaga wax u dhimaya oo ay mudada la kordhiyay ka shaqeeyaan sidii  ay dad ku kasban lahaayeen.

20150511_163958

Ugu horayn waxa hadalka qaatay oo bilaabay Suldaan Ibraahim Sulub Nuur oo ka mid ah salaadiinta Sacad Muuse waxaanu yidhi “Maanta oo ay tahay bishii Shanaad 11-Keedii 2015-kii waxaanu aad iyo aad u soo dhawanaynaa go’aanka Golaha Guurtida Somaliland,oo Naqaskii ku taagnaa dadka ka riday,hadii aanu nahay beel weynta Sacad Muuse waxaanu taageersanahay,soona dhawaynaynaa go’aankaasi Geesinimo leh ee golaha guurtidu qaateen,mudadaasi  waa in laguwada qancaa,Xisbiyada Mucaaridka,Komishanka Qaranka,Xukuumada iyo Dadweynuhuba,waxaan leenahay Cadaw faro badan,waana muqadas Midnimadu,    Somaliland waxay inoogu joogtaa qiime farobadan,waxaa u soo dhinta Boqolaal Luqun dhaadheer,sidaa darteed Somaliland Mudaharaad laguma dumin karo,cid xamar ka hadashay iyo cid meel kale ka hadashay toona waxba kama  qaadi karto,anaga ayaa barbar taagan,Anaga ayaa ku nool Somaliland-nimada, cid wax ka qaadi kartaa ma jirto, Cid walba tan waa laga ambabixiyay,halagu qanco ayaan leeyahay go’aanka Golaha guurtida”.

20150511_163241

Ugaas Maxamed Cabdilaahi Xasan ayaa isna waxa uu yidhi “waxaanu taageero u fidinaynaa go’aanka qaaliga ah ee ka soo baxay Golaha guurtida ee ay mudada ugu kordhiyeen Xukuumada Somaliland,halgan dheer ayaa dalkan loo soo galay oo uu Illaahay inagu guuleeyay oo maanta qaran jira ayaynu nahay,markii hore komishanka doorashooyinku waxa ay cayimeen mudadii ay ku qabanayeen diwaangalinta ee ay ugu hirgalaysay ayay soo sheegeen,taasi oo ay ku qiimeeyeen mudo sanad ah,markii ku xigtay saddexda Xisbi qaran ayaa isku yimid,way wada hadleen go’aan heshiis ah ayay gaadheen,nasiib daro mid ka mid ah ayaa go’aankii ka noqday,waxa ay iyagu isla garteen shan bilood iyo shan iyo toban cisho,golihii dastuuriga ahaa ee Xaqa u lahaa ee dalkana dejiyay ee Somaliland nabadeeda halkan soo gaadhsiiyayna ahaa,ahna golaha u sareeyay dalkan ayaa markii u dambaysay xaq u yeeshay inay go’aankii rasmiga ahaa ka soo saaraan iyaguna waxay ku dareen mudo yar marka run loo dhabo galo, waxa intaasi oo dhan loo rog rogayaa in La helo mudadii diwaan galinta iyo doorashadu ku qabsoomi lahayd,wax kaw la yidhina wuu yar yahay,anakoo ku hadlayna afka beelweynta Sacad Muuse waxaanu taageersanahay go’aankaasi u dambeeyay ee naqaskii dadka ka siidaayay ee ay soo saareen maanta golaha guutidu,oo ay shacbigayuna nagu raacsan yihiin”.

20150511_164046

Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Suldaan Xuseen Ismaaciil Geelle waxana uu yidhi “cida madaxtinimada raagsanaysa waxaan leeyahay dalka u lexejeclooda,waanu duminta ka daaya,waar hadalka dadka ka nixinaya ka daaya, waa lagu wiil waayaa,waa lagu walaal waayaa,waa lagu daaro waayaa,waataynu ka dhaqaaqnay Hargeysa,colaad dambe ka dhici mayso Somaliland,guurtidu waa dastuuri,qodobka ay wax ku kordhinayaa waa dastuuri,waxbadan may kordhin ayaan leeyahay,intaa ay kordhiyeen hala iimaansado,waananu ku taageersanahay beesha Sacad Muuse hadaanu nahay”. Waxaa isna microfoonka kadaba qaatay oo halkaasi ka hadlay Suldaan Xiis Barre,waxaanu ku bilaabay hadalkiisa “waxaanu baaq u dirayaan walaaltinimo iyo nabadgalyo leh labada xisbi ee Mucaaridka ah ee ragga Madaxtinimada dalka u loolamaya ah ee Bari hadii Illaahay yidhaa aanu dooranayno,oo waliba uu noo dheer yahay Raysul baarlamanku oo calankii iyo kitaabkiiba gacanta kuwada haya,waxaanu leenahay adeer waxba lama sheegin waxay taagan tahay nin khuukh la yidhi waxba kama didin,nin yidhina waxba ma odhan,ee wixiiba ayaamo ayay noqdeene samir,faysalna waxaan leenahay abti anaga ayaa kuu nool oo kuu joogan ee samir ayaan leenahay”.

Suldaan Axmed Cumar Madar oo ka mid ah salaadiinta sacad Muuse ee Taageertay go’aaanka Guurtida ayaa waxa uu yidhi “iskaga mid ayaynu nahay oo waynu taageersanahay go’aanka distooriga ah ee Guurtidu soo saartay,2016-ka waxaa la qabanayana doorashada Soomaaliya,intaasi oo maamul goboleed oo isku tagay ayaa doorasho loo qabanayaa,ninka inaga inaga mid ah ee 2016 doorashadeena hala qabto lihi waa nin Xamar inagu daraya,inaynu ka horayno ama ka dambaynu ayaynu xaq u leenahay laakiin isku mar ma ogolin”.

20150511_163249

Sidoo kale waxa madashaasi ka hadlay oo taageero u muujiyay Go’aanka Golaha Guurtida Suldaan Maxamuud Saciid,Ugaas Cabdilaahi Cabdi Xasan “Xawaareeye”,Suldaan Jaamac Cusmaan Aadan,Oday Daair Ismaaciil Axmed,Oday Cumar Yuusuf Iyo Oday Xuseen Cismaan Cabdi waxaanay si siman ugu baaqeen in la ixtiraamo go’aanka Guurtidu ka soo saartay mudada doorashada Madaxtooyada iyo Golaha wakiiladu dalka ka qabsoomayso oo ay ku sheegeen maalmo kooban haduu mawdku inagu simo.

20150511_170920

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here