Salaadiinta Qaranka Jamhuuriyada Somaliland oo baaq nabadeed u diray colaada ka taagan gobollada Bariga Somaliland

0
1147

Hargeysa-Hargeisapress waxaa si isdaba jooga usoo gaadhaya xafiiska hargeisapress baaq nabadeedyada salaadiinta iyo odayaasha reer somaliland oo si adag uga hadlay xaaladaha kasoo cusboonayd bariga somaliland

Ugaas Xawaareeye ayaa ka hadlay dagaalada gobolka sanaag ka bilaabmay waxaanu yidhi “beelaha walaalaha ah ee colaadu ka bilaabantay alle ha inaga qaboojiyo waa xaalad adag dawladuna kaalin adag haka qaadato dhamaan oday dhaqameedyada reer somaliland waa in kaalintoodii wanaagsanayd ka galaan ha ixtiraamaan bulshada ay u taliyaan carabkooduna ha noqdo mid dadka maslaxad kala dhex dhiga ”

Suldaan Abshir xasan cali oo ka mid ah salaadiinta reer somaliland ayaa si adag uga hadlay beelaha walaalaha ah ee colaadu ka dhex bilaabantay waxaanu yidhi “waa arin naxdin leh dhamaan umadda reer somaliland ka wada xunyihiin colaadan soo noqnoqonaysa maanta waxay ubaahan tahay xoogii dawladnimo in deegaankaasi hubka laga dhigo sharciguna shaqeeyo dawladda cusub ee Madaxweyne muuse waxaan ugu baaqayaa talaabo adag inay qaadaan kuna soo afjaraan xaaladaas,waxaan leeyahay odayaashu inay kaalintooda si nabdoon kaga qayb galaan carabkooduna laaxinka ka saaraan”

Suldaan Aadan faarax oo ka mid ah salaadiinta Qaranka ayaa si adag uga hadlay xaaladan iyo oday dhaqameedyada xaalad abuurka ah ee dagaalka ku baaqay waxaanu yidhi “Ilaahay dagaalkaas beelaha walaalaha ahi ka dhex bilaabmay ha inaga qaboojiyo waa kugu dhimay oo kaa dhimay oday dhaqameedyadan waxaan leeyahay sidii aabayaashiin umaydin talin isku noqda oo carabkiinu mid waxsan sheega ha noqdo”

LEAVE A REPLY