Sahra-yartii Miyiga : Waxa Qoray Cumar Seerbiya

0
1287

HargeisaPress — Gaaruf oo ahaa ninkii ugu reer magaalsanaa deegaan Miyi ah oo aan yaraantaydii ku barbaaray, waxa uu ahaa Kaari baabuurta Hargeysa iyo deegaanka u kala raaca.

 
maqribkii markaan xoolaha soo xarayno aniga iyo dhallinyaro wiilal gabdho iskugu jira waxaanu iskugu iman jirnay goob ardaa ah ‘ halkaasi oo saacado badan oo habeenkii ah aanu ku balweyn jirnay heeso sideed ah oo ku duubnaa laba canjaladood oo aanu ka shidan jirnay Raadyaw guriga Gaaruf yaallay oo National midabkiisu casaan yahay biryarna xaga sare ka taagantahay/eryal markasta labada canjaladood mid caddaan ahayd midabkeedu ayaa markaanu raadyawga gelino ee aanu daarno waxay ku bilaabmi jirtay Hees ay wada qaadi jireen Sahra Axmed Maxamuud oo loo yaqaanay Sahra-yar iyo Axmed Gacayte Yuusuf heestaas oo lagu magacaabo  (gocomada ha ii jarin ).

sahra halgan

 
Sahra yar sannado ka dib magaceedii waxa loo bedelay Sahra Halgan Waxaana marka hore loogu bixiyey Sahra-yar si aan loogu qaldin Sahra Axmed oo ay labada magac ee hore wadaagaan.

 

 

Cumar Seerbiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here