Safiirka Wareegga ee Somaliland Kaysar Cabdilaahi Oo Hambalyo kal iyo laab ah u dirayaa Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo Danjiraha Somaliland u fadhiyi doona Dalka Itoobiya

0
976

Asalaamu Calaykum Waxaan Hambalyo kal iyo laab ah u dirayaa labada Halyeey ee Adam Haji Ali Ahmed oo Maanta uu Madaxweynaha Qaranka Somaliland uu u magacaabay inuu noqdo Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Dalka Jamhuuriyada Somaliland iyo Danjire Maxamuud Aadan Jaamac Galaal oo loo magacaabay inuu noqdo Danjiraha Somaliland u fadhiyi doona Dalka Itoobiya. Waxaa farxad Somaliand iyo shacbigeeda u ah in labadan Masuul ay yihiin Hawlkar aad u firfircoon oo iyaga oo aan Xilal Qaran hayn hadana ka shaqaynayay Habeen iyo Maalinba Horumarka, Aqoonsiga iyo sugida Cadaalada ee Dalkeena sanado aad u badan.

Danjire Maxamud Aadan Jaamac Galaal waxa uu wax badan ka qabtay sidii Dalkan UK uu usii xoojin lahaa una kordhin lahaa Taageerada Dhaqaale, Amni iyo Siyaasadeed ee uu siiyo Dalkeena, waana masuul muddo badan si iskaa wax u qabso ah ugu soo shaqeeyay Qarankiisa, sharaf aad u weyn ayay u tahay Qarankeena in dadka waxtarka ah xilalka qaran loo dhiibo. Waxa kale oo isna aan hamblayo kal iyo laab ah u dirayaa Prof. Aadan Xaaji Cali oo ah nin aqoonyahan ah, karti leh oo wax badan ka bedeli doona, dhiig cusubna kusoo kordhin doona arrimaha Garsoorka iyo Cadaalada Dalkeena.

 

Guddoomiyaha Cusub ee Maxkmada Somaliland Mud. Aadan Xaaji Cali Axmed
Guddoomiyaha Cusub ee Maxkmada Somaliland Mud. Aadan Xaaji Cali Axmed

 

Farxad ayay ii ahayd inaan labadan masuul dhawaan ku kulanay caasimada Hargeysa oo aanu isu helnay fursad kooban oo aanu isku waraysano kana wada hadalno arrimaha khuseeya Cadaalada iyo Siyaaasada debada. Waa Laba Masuul oo karti leh oo aan Kalsooni buuxda ku qabo inay ka soo dhalaali doonaan Masuuliyadahaas Culus ee loo igamaday. Allaha Awwooda badan waxaan uga baryayaa inuu ku guuleeyo xilkaas la saaray. Aamiin.
Ugu Danbayn waxaan Mahadnaq balaadhan u dirayaa Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo uu Allah waafijiyay inuu labadaas masuul oo hawl kar ah u magacaabay xilal ay u qalmaan.
Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

LEAVE A REPLY