Safiirka Ururka IGAD iyo Gudoomiyaha Guurtida Somaliland Oo Kulan Wada Yeeshay iyo Safiirka Oo Guurtida ku Amaanay doorkay Amaanka iyo Dimuqraadiyadda

0
968

news logo HPHargeysa,(HargeisaPress) — Safiirka Somalia iyo Somaliland u Qaabilsan Urur Goboleedka IGAD Maxamed Cabdi Afey, ayaa kulan Albaabadu u xidhnaayeen la yeeshay Gudoomiyaha Golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan. Kulanka ayaa markii uu soo dhamaaday waxay labada Masuul u sheegeen warbaahinta inay kaga wada hadleen sidii IGAD Somaliland wax ula qaban lahayd.

Gudoomiyaha Guurtidu waxa uu warbaahinta u sheegay in Safiirku kala hadlay in IGAD Diyaar u tahay inay Somaliland wax kala qabato waxyaabaha ay uga baahdaan.

“ Safiirku wax aan idin la qabano ayuu la yimid, dee Anaguna waanu ka aqbalay, waanuna ku mahadinaynaa. Intaas ayaanu isla wadnay, idina nagu raacde ayay ila tahay’ ayuu warbaahinta u sheegay Gudoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan.

Gudoomiyaha Guurtida oo Warbaahintu wax ka waydiisay Arimaha kale ee ay isla soo qaadeen ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo, isago yidhi “ Kolayba diyaar uma nihin inaanu hadda idinla qaybsano”.

Safiirka IGAD ee Somaliland iyo Somallia Maxamed Cabdi Afey, ayaa sheegay inay Gudoomiyaha ugu hambalyeeyeen doorka Guurtidu ku leedahay Dimuqraadiyada Somaliland “ Gudoomiyaha waanu ugu hambalyaynay Doorka Guurtidu ku leedahay Dimuqraadiyada iyo Nabad gelyada wadanka Somaliland. Waxaanu ku boorinay inay sidaasi iyo si ka sii fiican u wataan Hawshooda. Waxaanu u sheegnay in Urur ahaan aanu diyaar u nahay in Shacabka Somaliland aanu la shaqayno iyo inaanu kala shaqayno Abaabulka iyo u diyaar garawgga Doorashada soo socotaa, sidii ay ugu dhici lahayd sidii loogu tala galay.” Ayuu yidhi Ambasador Maxamed Afey.

Weftiga Ururka Goboleedka IGAD ee wadamada Geeska Africa ku bahoobeen ayaa Shalay kulamo la yeeshay Wasiiro Xukumadda ka tirsan, iyagoo sheegay in Somaliland ay kala shaqaynayaan Dhinaca doorashada oo Geeska Africa Muhiim u ah iyo Caafimaadka.

Weftiga ayaa kulamo la qaadanaya Madaxweynaha Somaliland iyo ku xigeenkiisa sida wasiirka khaarajigu shalay sheegay. Waa markii u horaysay ee uu Weftigani Somaliland yimaado, iyadoo u muuqata in Xidhiidh cusubi u bilawday Somaliland iyo IGAD.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY