Safiirka Maraykanka Ee Addis Ababa Oo La Weydiiyay Aragtidooda Heshiiska Dekedda Berbera Ee Dhex Maray Somaliland, Itoobiya Iyo Dp World

0
987
Ambassador Mike Raynor

Hargeysa , (HargeisaPress) —Safiirka dawladda Maraykanka u fadhiya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya danjire Ambassador Mike Raynor, ayaa la weydiiyay su’aal ku saabsan aragtida Maraykanka ee heshiiska sannadkan dhex maray Somaliland, Itoobiya iyo shirkadda DP world ee ah saamiga 19% ee ay Itoobiya ku yeelanayso maalgelinta dekedda Berbera.

Danjire Mike, oo uu u waramay wargeyska Addis Standard ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa, ayaa waxa la weydiiyay su’aal nuxurkeedu ahaa, aragtida dawladda Maraykanka ee heshiiska ay kala saxeexdeen Somaliland, Itoobiya iyo DP world ee ah saamiga Itoobiya ee dekedda Berbera ee 19%, waxaanu safiirka Maraykanka ahi yidhi “Runtii arrintaas aragti kama lihin. Itoobiya waa in ay garato, waxa macno u samaynaya danaheeda gaarka ah, iyo xidhiidhada ay la yeelanayso gobalka. Laakiin, arrintu ma’aha wax u yaalla in ay dawladda Maraykanku mawqif gaar ah ka yeelato.”

Safiirkan, ayaa waxa kale oo uu sheegay inay dawladda Maraykanku la dhacsantahay talaaboyinka isbedel ee uu ilaa hadda qaaday raysalwasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed, waxaanu sheegay in Maraykanku sidoo kale diyaar u yahay inuu gacan ka gaysto sidii loo sii wadi lahaa wada hadalka nabadeed ee u bilaabmay Itoobiya iyo Ereteriya.

Geeska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here