Safarkii Madaxweyne Siilaanyo Waa Mid Baqdin Iyo Cabsi Geliyey Cadawga Somaliland Hadaba Maxaa Ka Jira In Putland Laga Qaxay Socdaalkii Madaxweynaha Ee Ganbadha ?

0
958

Marka hore waxaan ku hanbalyeynayaa Madaxweynaha JSL Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  iyo waftigii balaadhnaa uu horkacaayey waxaan ku hanbalyeynayaa Safarkii dheeraa ee Taariikhiga ahaa, kuna soo mareen deegaano  isugu jira  gobolo, degmooyin, tuulooyin, ilaa dhulka baadiyaha ah Madaxweynaha oo safarkiisa ka bilaabay Galbeedka Somaliland wuxuu ku gaadhay ilaa Magaalada Ganbadha oo ah Jiida hore ee Ciidanka Qaranka.

Socdaalkaa dheer  guuraha iyo gabal dhaca lahaa wuxuu safarkaasi  dheer u galay sidii uu dalkiisa uu madaxweynaha ka yahay ugu kuur geli lahaa una ogaan lahaa xaalada dad iyo duunyo waxa ay ku sugan yihiin, madaxweynuhu wuxuu geed geed iyo guri guri ula dhafiistay dhamaan meelahaasi uu maraayey dadkii joogay, waxaana la arkaayey Madaxweynaha oo deegaamada qaarkood guure kusoo gelaayey  sababtoo ah dhulka oo aad u kala fogaa.

Madaxweynaha iyo waftigiisu waxay socdaal dheer ku mareen Xuduudka Hawdka Somaliland  iyadoo deegaankasta oo ay soo gaadhaan si balaadhan loogu soo dhaweynaayey, waxaana ay taasi makhraati u yahay jaceylka Madaxweynaha deegaanada qaarkood waxay  soo dhaweyntiisa u heelanaayeen xili wakhtigu ahaa  labadii habeenimo, Madaxweyne siilanayo markii uu dhamaan deegaamadaasi  ka balan qaaday inuu baahiyaha ay sheegeen inuu ogsoon yahay xukuumadiisuna ay diyaar u tahay waxay ka qaban karto inay ka qabato.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa oogtii waa beri ka jarmaaday Magaalada burco  una jahaystay  Magaalada  Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool halkaasi oo dadweynaha reer laascaanood si diiran oo kal iyo laaba ugu soo dhaweeyeen  kuna qaabileen soo dhaweyn iyo farxad iyo caleemo qoyan, Madaxweynuhu wuxuu gaadhay isla Jiida ganbadha iyo oo ay Fadhiisin weyn ku leeyihiin Cadaw horjoogayaasha qaranka ee Ciimada Qaranka halkaasi oo uu dhex lugeeyey xoogaa isagoo ku diirsanaayey quwada ay leeyihiin ciimada qaranku, hadal uu halkaasi uga jeediyey ayuu Madaxweynuhu ku amaanay difaaca ay ugu jiraan dalkooda  iyo qiimaha ay ku leeyihiin dalka.

Tegi taanka Madaxweynaha iyo Waftigiisa  ee Jiida Ganbadha waxay baqdin gelisay cadowga Somaliland oo beesha caalamka ugu calaa calay in lagu soo duulay, wakhtigii Madaxweyne siilaanyo ku sugnaa Ganbadha iyo Laascaanood  Magaalada Garoowe waxay ahayd magaalo  ku jirtay  cabsi soo food saartay  iyadoo dadka qaarkii ka baqayeen inuu soo talaabo waxaana dadk xiligaasi garoowe joogay noo shegeen in dhanka garoowe ee laascaanood soo xiga laga qaxay, hore ayey ahayd markii madaxweyne siilaanyo safar sidan oo kale ah ku tegay Magalada Laas-qoray  isla sidan oo kale looga qaxay magaalooyinka garoowe iyo boosaaso.

Dadka yaqaan Madaxweyne siilaanyo waxay ku sifeeyaan inuu yahay siyaasi ruug cadaa ah  kana mid ahaa dadkii aan runta kala gaban jirin ragiimkii siyaas barre, waxay  ku sheegaan inuu yahay nin aan aqoon sida loo gabado, waxkasta oo uu ku dhaqaaqyana leh kasoonideeda iyo raga nimadeeda  waana ta keentay inay qeylo dhaan ka muujiyaan cadawga Somaliland oo ka naxaan.

Cali Xasan Cawaale

Hargeysa-Somaliland

Calixasan806@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here