Safarkii Madaxweyne Siilaanyo ee Boorama iyo Caawa oo uu dib ugu soo laabtay Caasimada + SAWIRO

0
1204

Safarkii Madaxweyne Siilaanyo boramaHargeysa,(HargeisaPress) —Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo oo hogaaminaaya wefti balaadhan ayaa saaka u amba-baxay Gobolka Awdal gaar ahaan Caasimadiisa Boorama, ujeedada safarkan ayaa ahayd inu madaxweynuhu ka qaybgalo Qalin-jabinta Jaamacada Amoud University oo ay maanta ka qalinjebisay Dufcadii 13aad, Ardaydaasi oo dhamay 621 Arday.

Madaxweynuhu waxa uu safarkiisa ku soo maray Gobolka Gabiley oo si heersare ah loogu soo dhaweeyey, kadibna waxa uu u sii dhaafay Kala-baydh oo ay dadweyne tiro badani ku soo dhaweeyeen madaxweynaha caleemo qoyan iyo Calanka Somaliland, isaga oo uga sii gudbay dhinaca Dilla oo uu madaxweynuhu shacbi aad u badan la lugeeyey laamiga dhexmara dilla oo madaxweynaha si la yaaba u soo dhaweeyey sidoo kale madaxweynuhu waxa uu soo dhawayn laxaadleh kala kulmay dadweynaha magaalada Boorama oo kagaga horyimid madaxweynaha Jidka dheer ee isku xidha boorama ilaa dilla isaga oo madaxweynuhu gaadhi ku dhexmaray shacbigaasi faraha badan, salaan gacantaagana ku gaadhay ilaa Jaamacada Boor Amoud oo ay ku sugayeen kumanaan dadweyne ah iyo masuuliyiin ka socday heer degmo ilaa heer gobol.

safarkii siilaanyo ee boorama

Madaxweynaha oo farxada Ardaydaasi la qaatay ayaa kula dardaarmay inay ku dedaalaan inay sidii ay aqoontaasi ay soo barteen dalka ugu faaiidayn lahaayeen ogaadaana inay yihiin mustaqalka beri iyo maantaba dalkana uu eeganaayo ubaxyadiinan nasiibka u helay inay dalkooda hooyo ku qalinjiebiyaan.

intaasi ka dib madaxweynaha oo shahaadooyin gudoonsiiyey Ardaydaasi ayaa si gaara ugu mahadnaqay macalimiintii sharafta iyo qiimaha lahayd ee ardaydaasi wax soo baratay.

waxa xusid mudan oo qalinjebintaasi iyo Ardaydaba ku cusbayd inay Arday 4 ah oo Dhagoolayaal ah oo ka qalinjebiyey Jaamacada Amuod Uniersity, halkaasina khudbad ka soo jeediyey waa dhagoolayaashee.

ka dib waxa uu madaxweynuhu u soo dhaqaaqay xaga magaalada isaga oo mashaariic dhawra xadhiga ka jaray kuwa kalena dhagax dhigay kuwaasi oo kala ah Shersheda Tamarta la kaydiyey ee hawada oo hadii lagu guulaysto 100% dhamaystiri doonta baahiyaha kala duwan ee shacbiga Magaalada Boorama iyo wadada isku xidha Suuqa ilaa Guriga martida oo madaxweynuhu dhaqaxdhigay isna.

intaasi ka dib waxa uu madaxweynuhu ku soo hayday qasriga madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa.

 

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY