Saddex aan Isqaban: Dhawaaqa Dunida, Dhayalsiga Xukuumadda iyo Dhaawaca soo gaadhay Siyaasadeena Dibadda. W/Q: Qalinkii Naciima Cabdi Galiix

0
146

Waxaa dareen aad u weyn igu abuurtay ka dib markii aan ka akhriyey warbaahinta Somaliland qaarkood warar sheegaya in wefti ka socda Somaliland oo socdaal ku jooga Djibouti ay saraakiisha dawladda Djibouti hordhigeen in xukuumadda Somaliland ay baabi’iso magaalada xuduuda ah ee Lowyacaddo isla markaana u rarto xafiisyadeeda dawliga ah magaala xeebeedda Saylac oo waxyar u jirta magaalada Lowyacaddo, weftiga dhinaca Somaliland ka socda waxaa hoggaaminaya Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancadde, Taliyaha Sirdoonka, kan Booliska iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa xubno ka ah, masuuliyiintan ayaa dooddan loola badheedhay sida warbaahintu qortay oo la soo hor-dhigay, taas waxaaba ka sii daran Waftigani waxay dawladda Djibouti magan uga yihiin in dib loogu soo celiyo saddex muwaadin oo u dhashay Somaliland oo ay dawladda Somaliland si aan ka fiirsasho lahayn ugu dhiibtay xukuumadda Djibouti. Xuduudda Djibouti way xidhan tahay, sidoo kale muwaadiniinta Somaliland ee sita ama ku safraya baasaboorka Somaliland looma ogola inay si xor ah u galaan dalka Djibouti ama hawada ha ka safraan ama dhulka ha maraane, waxaa taas dheer in muwaadiniinta reer Djibouti ay si xor ah ugu soo safrayaan dhinaca Somaliland, si taas la mid ah waxaa iyana xidhan xuduudda Somaliland iyo Ethiopia oo dawladda Ethiopia waxay iyana joojisay inay VISA ku bixiso baasaboorkeenna ama dalkeedaba lagu galo basaborka Somaliland, xuduudahan xidhan ayaa ka dambeeyey cabsi dalalkaasi ka muujiyeen in dad amnigooda waxyeeli karaa ay ka iman karaan dhinaca Somaliland, hadaba xilligan qofka isticmaalaya baasaboor Somaliland ma haysto fursadihii safar ee uu hore u haystay. Iyada oo dhacdooyinkaasi jiraan ayaa haddana masuuliyiin xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ay warbaahinta u soo bandhigeen xogo la xidhiidha dhinaca amniga oo dareen badan geliyey shacabka Somaliland taas oo muujinaysa inay dalka ka jirto isku xidhnaan la’aan dhinaca amniga ah iyo in dad gaar ahi ku adeegtaan, masuuliyiinta warbaahinta la hadlay waxaa ka mid ah Talihii hore ee Sirdoonka Somaliland iyo Wasiir ku Xigeenkii hore ee Amniga oo isaga looba xidhay xogaha uu bixiyey awgeed. Gobolada barigana hore ayay dawladaha caalamku Somaliland ugu sheegeen inay ka baxdo labada gobol ee ku yaalla xuduudda aynu la wadaagno Puntland inkasta oo tallaabo adag iyo dhaqdhaqaaqyo diblomaasiyadeed uu madaxweyne Siilaanyo kaga jawaab celiyey, hadana marka dhacdooyinkan la isku gee-geeyo waxay sawir ka bixinayaan sida ay xukuumadeenu uga gaabinayso siyaasaddii Arimaha dibadda ama ay u awoodi la’dahay inay dalalka debedda ka dhaadhiciso tallaabooyinka ka socda gudaha dalka. Ku darsoo tani waxay bar madow ku noqonaysa siyaasaddeena Arrimaha debedda iyada oo ictiraafkii aynu dawladaha caalamka ka raadinaynay xilligan aynu u jihaynay oday dhaqameedka koonfurta Soomaaliya iyo maamul goboleedada halkaas ka jira, waxaana markhaati inogu filan odayaashii xukuumaddu ku so casuuntay xafladdii 18 May oo madaxweynaha u sheegay inay Ictiraafeen, sidoo kale waxaa iyana xafladdii 26 June lagu casuumay maamul goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya oo lix gobol ka kooban oo iyana Madaxweynaha u sheegay inay garawsan yihiin xaqa Somaliland u leedahay aqoonsi inay hesho isla markaana sheegay inay doonayaan inay iskaashi la yeeshaan Somaliland. Siyaasaddeenna Arimaha dibadda waxaa hoggaamiya Maxamed Biixi Yoonis oo ah khabiir ku xeeldheer xidhiidhada caalamiga ah, isla markaana saaxiibo badan ku leh beesha caalamka oo uu ku jiro xog-hayaha guud ee qaramada midoobay laakiin waxaa dad badani qabaan inaanu u madax banaanayn go’aanada uu ka qaadanayo siyaasadda debedda oo ay u soo gacan dhaafaan xubno wasiiro ah oo saamayn ku leh talada dalka taasina ay isaga laftiisa niyad jab wayn ku abuurtay, isla markana jahawareer ku ridday siyaasaddeenii dibadda. Wasiirka Arrimaha Debedda ayaa tan iyo markii xilka loo dhiibay ku mashquulay furdaaminta dhibaatooyin ka dhashay maamul xumada wasiiro la hayb ah madaxtooyada gaar ahaan dhinaca shidaal baadhista, waxaana Maxamed Biixi uu ku guulaystay inuu hawlahaas wax badan ka qabto hase ahaatee waxaa dayac badani xilligan ka muuqdaa hawlihii diplomaasiyadeed ee mudnaanta u ahaa qarankan, gaar ahaan xilligan waxaa soo yaraanaya in dadka haysta baasaboorka Somaliland ay debedda u safri karaan oo dalalkii udub dhexaadka u ahaa ayaa hakiyey in dalkooda lagu soo galo. Sidoo kale waxaa isna door weyn ku leh go’aannada iyo hagista siyaasadda dibadda Madaxweynaha Qaranka mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo ah ruug caddaa ku xeeldheer hoggaaminta iyo siyaasadda geeska Afrika isla markaana si weyn looga yaqaanno mandaqaddan aynu ku noollahay, Madaxweyne Siilaanyo oo taariikhda Somaliland door weyn ka soo ciyaaray ayaa xilligan dad badani tebayaan go’aanadii looga baahnaa masuulka dalka ugu sarreeya, waxaana saraakiil badan oo la soo shaqeyay ay shaki ka muujiyaan in madaxweynuhu xilligan leeyahay awooddii uu ku maamuli lahaa kursiga, dadka dooddaas qaba ayaa bar-bardhig ku sameeya in madaxweyne Siilaanyo uu kursiga ku fuulay da’dii uu jiray markii Marxuum Cigaal kursiga ka geeriyooday isla markaana ay geyaysiisay in talada madaxweynaha lala wadaago. Kala badh dadkii codkooda dhiibtay doorashadii madaxtooyada ee dhacday 2010 ayaa u codeeyey madaxweyne Siilaanyo iyaga oo naawilaya isbedel iyo horumar ku yimaadda noloshooda, taasna wax badan oo ka mid ah ayaa rumoobay marka laga hadlayo dhinaca horumarka iyo dhismayaasha xafiisyada Dawlada intii uu madaxweyne Siilaanyo xukunka hayey, Madaxweyne Siilaanyo oo ah dhaqaale-yahan wax ku bartay dalka ingiriisku waxa uu ku guulaystay inuu hirgeliyo mashaariic horumarineed, waxaase dad badani raadinayaan madaxweynaha ay doorteen ee horumarkaas qabanaaya,! waa suuro gal in masuuliyiinta madaxweynaha ka agdhowi ay ku doodaan in madaxweynuhu mashquul ku yahay danta qaranka laakiin aan bar-bardhig ku samayno mid ka mida madaxweynayaasha dunida ugu mashquulka badan. Madaxweynaha dalka Maraykanka Brack Obama wuxuu madax u yahay qaranka dunida ugu awoodda badan oo ciidamadiisu dagaal kaga-kala jiraan daafaha dunida, wuxuu madax u yahay 300 oo Million dal ay ku nool yihiin, wuxuu madax u yahay dal danihiisa siyaasadeed ka ilaashanaya gobol kasta oo dunida ku yaalla madaxweynaha hawlahaas oo dhammi horyaallaan ayaa haddana fursad u hela inuu shacabkiisa habeen iyo maalin ka warhayo, la hadlo isla markaana suaalaha ay qabaan uga jawaab celiyo. Tarntanka ciyaaraha ee iminka ka socda dalka Brazil waxaa xulalka ka qayb-gelayay ee hadhay ka mid ahaa xulka dalka Maraykanka, ka dib markii xulkaas laga badiyey ayaa waxaa telefoonka qabsaday Madaxweyne Obama isaga oo niyadda u dhisaya ciyaaryahannadii dalkiisa metelayey, wuxuuna khadka telefoonka wakhti kula qaadtay ciyaar-yahanada isago erayo Hambalyo iyo dhiiri galin isugu jirra uso jeediyay, haddaba haddii Madaxweyne Obama uu sidaa shacabkiisa wakhti ula qaadanayo innaga aaway madaxweynihii aynu dooranay?? Waxaan leeyahay Madaxweyne Siilaanyo ayay masuuliyadi ka saaran tahay dalkan oo ah cidda shacabku dooratay, haddii duruufo u gaar ahi aanay u saamaxayn inuu hawshii qaranka guto waa nin weyn oo dadku jecel yihiin ee talada ha wareejiyo oo ha iska nasto haddii kale shacabkiisa ha u muujiyo inuu isagu taliyo, oo intii madaxweynuhu xukunka qabtay weli lama arag madaxweynaha oo shir jaraa’id u qabanaya warbaahinta, oo ka jawaabaya suaalaha saxaafaddu weydiisay sidii hoggaamiyayaashii kursigan uga horreeyey. Waxaan hadalkayga ku soo afmeerayaa, ummad waliba waxay qaran ku tahay waa dadkeeda iyo dhulkeeda, haddii guuldarro ka dhalatay siyaasadeenii dibaddu ay inna geyaysiisay in Quwadaha dunidu innagula dhacaan “ka baxa laba gobol oo dhulkiina ka mid ah” oo dawladda Djibouti innagula dhacday “baabi’iya magaalo ka mid ah dhulkiina” iyada oo daneheeda ka eegaysa oo dawladihii jaarku innaga xidheen xuduudohoodii taasi maanay inna tusayn in dalkeenu u baahan yahay in dib loo eego siyaasaddaha jarka innaga tuuraya, sidoo kale haddii meel lagaga dhacayo sharaftii iyo karaamadii muwaadiniinta Somaliland u dhashay ee ay ahayd in qaranku ilaaliyo, iyaga oo aan maxkamad la saarin dalal shisheeye loo dhiibayo sida iminka dhacday oo sadexda Maxbuus oo Somaliland udhashay dawladda Djibouti loo dhiibay, iyada oo waliba dastuurkeennu dhigayo inan Muwaadin u dhashay somaliland loo gacan galin Karin Dawlado shiisheeye sida uu dhigayo dastuurkeenna Somaliland, qodobka 35aad Fraqadiisa 2aad waxay sheegaysaa inaanay sinaba u banaanayn in muwaadin Somaliland u dhashay loo gacan geliyo Dawlado kale, halka muwaadiniintii gudihiisa joogayna la xidh-xidhayo haddii ay cabbiraan dareen ka hor imanaya xukuumadda Ahmed Siilaanyo. Madaxweyne waxaa wax ka qabashadoodu kuu taallaa laba adiga, laba adiga iyo xisbiyada dalka, labana waxaa kaaga marti ah shacabka, laba adigay kuu taallaayoo inaad Xisbigaagii turxaan bixiso oo aad ku dhiirato inaad shirkii golaha dhexe ee Kulmiye qabato iyada oo sharciga xisbigu dhigayey in muddo bil gudaheed ah lagu qabto haddana ay wakhti dhaaftay, qodobka labaad ee adiga kuu gaarka ahi waa inaad midayso talada xafiiskaaga oo ka warhayso go’aamada kaa soo baxaya oo kala garato talada laguu siinayo iyo danta lagu dhex marsanayo, labana adiga iyo xisbiyada ayay idiin taallaa oo waxaa marti la idiinka yahay inaad iska kaashataan diiwaangelintii madaniga ahayd iyo tii codbixinta si doorasho dalkan uga dhacdo, labana shacbiga ayaa kaaga marti ah, inaad ka shaafi saarto cidda dalka hoggaamisa, iyo qodobka labaad oo ah inaad wax ka qabato rajo xumada shacabka ka soo foodsaartay hoggaamintaada. Qalinkii Naciima Cabdi Galiixe Kuliyadda Barashada Siyaasadda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah Jaamacadda New Generation University naciimagaliixe@gmail.com

SHARE
Next articleUbax: ku aaway? – W/Q. Axmed-Deeq

LEAVE A REPLY