Sababta Keentay Askari Toogasho Ku Dilay Abaanduulihii guutada 17-aad ee Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Madaxii Hawl galinta

0
1003

news logo HPHargeysa, (HargeisaPress) — Nin askari ah ayaa  toogasho ku dilay Abaanduulihii iyo sarkaalkii hawlgalinta guutada 17aad ee Ciidaanka Qaraka Somaliland oo fadhigeedu ahaa duleedka magaalada Qurulugud oo ka tirsan degmooyinka Buuhoodle xalay.

Saraakiil ka tirsan ciidanka qaranka oo ku sugan jiida hore, ayaa Wargeyska Jamhuuriya u xaqiijiyey dilkaas foosha xun ee loo gaystay Allaah ha u naxariistee marxuum Maxamed Yuusuf oo ahaa Abaanduulihii guutadda 17aad ee ciidanka qaranka iyo madaxii hawlgelinta guutadaas allaah ha u naxariistee marxuum Jaamac Bidaar.

Sida saraakiishaas ciidanka oo magacooda ka gaabsaday sheegeen, askariga dilka gaystay, waxa uu u xidhnaa falal la xidhiidha dhinaca dhisibiliinka ciidanka, balse inta uu ka baxsaday goobtii uu ku xidhnaa oo ahayd xerada guutada, ayuu fal toogasho ah ku dilay labada marxuum, kaasoo markii uu hawshaas fuliyey baxsaday, ilaa xalayna aan gacanta lagu dhigin, laguna hawljiro sidii loo soo qaban lahaa.

Ma jiro wax war ah oo dhacdadan la xidhiidha oo ka soo abxay Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland iyo taliska ciidanka qaranka, balse sida ilo-wareedyo kala duwan tibaaxeen, waxa lagu jiraa baadhis la xidhiidha falka lagu dilay Abaanduulihii guutadaha 17aad ee cidianka qaranka ee fadhigoodu yahay degaanka Quruludug iyo madaxii hawlgelinta guutadaas.

 

Wargeyska Jamhuuriya

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here