Saamaynta Duufaantii Sagar ee Dalka ka dhacday

0
1246

Saamayntii Duufaantii SAGAR

Fadlan Muwaadin Baahi Video Gurmadka qaybka noqo

Dalka dhib badan ayaa ka dhacday xoolo iyo dadba waa ku dhamaadeen,Duufaantii dalka ka dhacday qoysas baaa la waayay,hanti baa la waayay,beerihii dooxyo ayay noqdeen,wadooyinkii way baaba’een.

Madaxweynaha Jamhuuriyada somaliland iyo dawladiisuba waxay si lexo jeclo leh uga qayb qaateen gurmad xoogan waxaa madaxweynuhu isagoo gurmadkaa ku guda jira uu yidhi
“Dhib markay kugu dhacdo waxaad ogaanaysaa ninba inta uu kuu jiro ayaa laguugu soo gurmanayaa dawladaha jaarka aynu nahay gaar ahaan kuwa soomaalida ah Dawladda jabuuti iyo dawladda somalia , dawladda jabuuti gurmadkii ugu horeeyay iyaga ayay nooga timid waxay na tuseen walaalnimada iyo tolnimadda na dhextaala waxaaanu u mahadnaqaynaa reer Jabuuti dhamaantood madax iyo shiciba Dawladda somalia isla maalintii duufaantu nagu dhacday waxay nagu soo qaadeen dagaal ilaa saakana wuu socdaa dhiig inuu daato ayay noogu soo gurmadeen ilaahay haka abaalmariyo”

Dawladdu itaalkeedii way garab istaagtay dadkeedii waxaan umadda reer somaliland laga rabaa inay garab isku noqdaan xaaladahan oo kale ganacsato iyo dadba mid hadal u yidhaahda mid xoog ku dara iyo mid xoolo ku daraba

Video-ga hoose waxaa diyaariyay Xafiiska Wacyigalinta Madaxtooyada Somaliland bal nala daawo fadlan sii baahi muuqaalkan

Xafiiska Wacyigalinta Madaxtooyada Jamhuuriyada somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here