Saamaynta uu weerarkii Dusit D2 ku yeeshay Soomaalida Nairobi

0
899
Muslimiin salaada janaasada ku tukanaya wiilal Soomaali ah oo ku dhintay weerarkii Dusit D2

Nairobi, KENYA – Ka dib markii ay soo shaac baxday in dabley hubaysan ay weerar ku qaadeen dhismaha Dusit D2 ee xaafada Westland ee Nairobi, ayaa Soomaali badan oo ku nool caasimadda waxaa la soo gudboonaaday walaac xooggan.

Dadka ayaa ka cabsi qabay in maadaama mas’uuliyadda weerarka uu sheegtay ururka Al-Shabab ee saldhigiisu yahay Soomaaliya, ay taasi keeni karto in ciidammada ammaanka ay bartilmaameedsadaan xaafada Islii ee ay Soomaalidu ku badan tahay. Sidoo kale waxaa jirtay cabsi ah in shacabka kale ee Kenyan-ka ah ay beegsadaan Soomaalida.

Durbadiiba waxaa baraha bulshada ka bilowday olole ay Soomaalida ku nool Kenya ku muujinayaan in aanay wax xiriir ah la lahayn weerarka, iyadoo si weyn loo adeegsanayo halku dhig ah “argagixisadu Diin ma laha.”

Cabsida ugu badan ayaa ka taagneyd raacidda gaadiidka dadweynaha, waxaana dad badan ay ku qasbanaadeen inay kiraystaan tagaasi.

“Waxaan soo galay bas ka mid ah kuwa dadweynaha oo taagnaa goobta gawaaridda laga raaco. Maadaama aan degdegsanaa, baskuna u muuqday mid aan si dhaqsaha ku buuxsameyn, ayaa waxaan go’aansaday inaan isaga dego. Balse arintaasi ayaa shaki badan ku abuurtay dadkii baska saarnaa, oo qaarkood ayaa ku sigtay inay ka soo degaan.” ayuu yiri Maxamed oo ka mid ah Soomaalida Nairobi.

Maxamed Cabdullahi, madaxii hore ee laanta af-Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in xitaa qaar ka mid ah Soomaalida ay dadkooda ku dhinteen weerarka ee ka raadinayay goobta meydadka lagu keydiyo si aan wanaagsaneyn loogu eegayay.

Ganacsatada xaafada Islii ayaa shaaciyay in maanta ay xiri doonaan meheradahooda si ay taageero ugu muujiyaan dadkii ku waxyeeloobay weerarkii Dusit D2.

Ilaa iyo hadda lama sheegin qof Soomaali ah oo Nairobi loogu beegsaday weerarkaasi awgii.

Markii ay cadaatay in qaar ka mid ah raggii weerarka fuliyay aanay Soomaali ahayn, ayaa sida muuqata waxaa yaraaday cadaadiskii baraha bulshada ka saarnaa Soomaalida ku nool Kenya, gaar ahaan kuwa Nairobi.

BBC

LEAVE A REPLY