Saaka Oo Kale Iyo Gudo-Galkii SNM Ee Burco Ee 27 May 1988

0
2609

Hargeysa , (HargeisaPress) —Jimcihii taariikhdu ahayd 27kii May sannadkii 1988kii waxay ahayd maalin  taariikhi u ah halgankii ururkii SNM iyo shacbiweynihii taageerayey ay kaga soo horjeesteen, afkana ugu rideen nidaamkii Cabudhinta iyo cadaadiska ee xukunkii Keli-taliska ahaa ee Soomaaliya.

Maanta oo kale 27 May oo ay SNM Burco soo gashay iyo 31 May oo ay Hargeysa kaga hilaacisay, Waxay ahayaayeen laba maalmood oo  fure u noqday guushii SNM ka gaadhey Halganka iyo gobanimada caamka ah ee maanta Somaliland ku nooshahay. Dhinaca kalena, maalmo bilow u ahaa burbur, barakac, qax, qaxootinimo iyo dhiig badan oo daatay, soona afjaray baqdintii, bandowgii, xadhiggii, xukunkii iyo xabsigii sharcidarrada ahaa, xoog sheegashadii, kufsigii, hanjabaaddii, haddidaaddii iyo cadaadiskii lagu hayey shacabka Somaliland in badan oo ka mid ah.

Gulufkii xooggagii SNM ku soo galeen magaalada Burco 27kii May 1988 iyo kii xigey ee 3 maalmood kadib ay kaga hillaaceen magaalada Hargeysa oo ahaa kuwo lama filaan ah oo aan noocooda hore loo arag, waxay kaga seleliyeen caalamka oo dhan oo mar qudha dhegaha wada taagey. Waxa lagu masaali karaa dagaal ka dhacay qol mugdi ah gudihii, dadkii maqlay in meesha wax ka dhaceenna ay dibadda tuban yihiin oo ay sugayaan cid uga warranta waxa meesha ka dhacay iyo sida waxa uga dhacayaan. Dhibaatadaasi waxay haysatey dadka u dhashay goboladan ee ku kala filiqsanaa Soomaaliya inteeda kale iyo dunida dacaladeeda.

Dalka kama jirin saxaafad madax bannaan, lamana ogolayn in suxufiyiin caalami ahi dalka yimaaddaan. Xorriyadda hadalka iyo xog is weydaarsiga ayaa ahaa xaaraan oo aan la ogolayn, is-gaadhsiintu noockasta oo ay noqoto waxay gacanta ugu jirtey dowladda, si xor ahna looguma wada xidhiidhi karayn, is-aaminka dadka dhexdiisa ayaa xumaaday, mana jirin qof-qof kale wax u sheegi karayey. Sidaa darteed, isha keliya ee warar madax bannaan oo xor ah laga heli jirey waxay ahayd BBC-da, laanteeda Afka Soomaaliga oo inkasta oo aanay si xor ah dalka dhexdiisa uga warrami karayn, aanayna tegi karayn magaalooyinka dagaaladu ka socdeen ee warkooda loo oomanaa haddana, waxay fursad u siisay SNM iyo dowladdii Muqdishoba inay tebiso wararkooda iyo inay waraysiyo kala yeelato xaaladdu hadba meesha ay marayso.

Halganka maalintaas 27 May wuxuu bud dhig u noqday hawlgaladii ay SNM ugu dambayn xukunkii Maxamed Siyaad Barre kaga xoraysay gayiga Somaliland. Alle waxaanu uga baryaynaa inuu u naxariisto oo uu u dambi dhaafo mujaahidiintii SNM ee geeriyootay, inta noolna Alle caafimaadka u siyaadiyo.

LEAVE A REPLY