“Ruqsadaha ay dawladda Faderaalku bixisay wax ka khuseeyaa ma jiraan Somaliland”… Wasiirka Gaafaadhi

0
992

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Xukuumadda jamhuuriyadda Somaliland ayaa uga digtay shirkad Shiine ah oo dawladda federaalka Soomaaliya ruqsad u siisay in ay ka kalluumaysan karaan Baddaha Soomaaliya oo kuwa Somaliland-na ku jiraan.

Waxaanay Somaliland kaga jawaabtay arrintaasi in haddii shirkadahaasi ay soo galaan Baddaheeda in loola dhaqmi doono in ay ku kaceen  kalluumaysi sharci darro ah, isla markaana ciqaab la marin doono.

Wasiirka khayraadka Baddaha iyo kalluumaysiga dawladda federaalka Soomaaliya oo todobaadkan la hadlay BBC ayaa sheegay in 31 ruqsadood ay  shirkadda dalka Shiinaha laga leeyahay heshiis kula galeen in ay ka kalluumaysan karaan Baddaha Soomaaliya.

Hase yeeshee wasiirka kalluumaysiga iyo xanaanadda xoolaha Somaliland Xasan Gaafaadhi, oo arrintaa ka jawaabay ayaa sheegay in aanay waxba ka khusaynin ogolaanshiyaha ay Soomaaliya siisay shirkadda Shiinaha ah.

“Ruqsadda ay dawladda Faderaalku bixisay  wax Allaale wax ka khuseeyaa ma jiraan  Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanay   ku eeg tahay inta xukuumaddaasi isku mashquulsani ay  xukunto”ayuu yidhi Xasan Gaafaadhi, oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa.

Wasiir Gaafaadhi, oo hadalka sii watay waxa uu yidhi  “Waxaanu leenahay cid kastoo la siiyay ruqsadaasi in aanay ku jirin biyo Baddeedka Somaliland oo aanay wax na ka khusaynin.  Somaliland  Baddeeda iyo Barrigeeda,  way ilaashataa, waanay difaacan kartaa.

Cidkastoo  lagu qabto iyadoo maraysa biyo-Baddeedka Somaliland ama  iyadoo sidata Kalluun meeshay doonta ba ha ka keentee,  waxaa loola macaamilayaa sidii Kalluun ay ka guratay Badda Somaliland.

Waxaana  la marinayaa ciqaabta ku waajibtay.  Waxaanu  uga digaynaa cidkastaaba  inay ixtiraamto isla markaana aanay ku darsanin ruqsadaha beenta ah, ee dawladda itaalka darani ay bixisay”.

“Ruqsadii maraakiibta shisheeye kaga Kalluumeysan jireen Badaha Jamhuuriyada Somaliland waa la joojiyay oo waxay wasaaraddu joojisay Jeenawari 11-keedii sidii ayaanay wali sideedi u taagan tahay”ayuu yidhi wasiirka kalluumaysiga Somaliland.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here