Runtu way SADWEYNTAHAY-BEENTUNA Siniintaa! Terra.

0
2272
Ninkan lagu magaaco Terra

HargeisaPress — Salaanta Islaamka ka dib waxaan halkan kaga Falcelinayaa muuqaal uu weriye la yidhaahdo Cabdirasaaq Terra, ugu gefay milgahii iyo sharaftii Ummada JSL, isla markaana ugu tuntay shuruucdii iyo qawaaniintii u degsanaa, iyo halbowlayaashii hay’adaha Qarankeenu ku taagnaa gebi ahaanba, taasoo u baahan in degdeg loo saxxo khaladka ulakaca ee uu u geystay, si ay ugu noqoto cashar mid damboo loo soo adeesan lahaa dhaawaceedu.

Ninkan lagu magaaco Terra, waxuu inta daawatay soo baahiyey muuqaal uu ku suntay “Siraha Qarsoon ee Somaliland & Aaga Madow” kaasoo si ka baxsan anshaxa Islaamnimada iyo akhlaaqda qof caqliga leh ugu tuntay, ugana faafiyey xogo aan xaqiiqada ku fadhiyo iyo hadalo deelqaaf ku ah Ciidanka Qaranka ku faafiyey, taasoo dhab ahaan isaga iyo intii kale ku kacdaa ku mudan karaan ciqaabta Shuruucda & Qawaaniinta Qaranka JSL uga yaala ku xadgudubkoodu.

Hadalada ninkaasi oo si toos ah uga horimanaya shuruucda Qaranka Somaliland u yaala eek u xusan dastuurkiisa iyo sidoo kale xeerka saxaafada sida hoos ku qoran:

QODOBKA 34AAD ee Dastuurka JSL oo ka hadlaya WAAJIBMDKA MUWAADINKA IYO CIQAABTA  GUDASHO LA’AANTA WAAJIBAADKA

  1. Muwaadin kasta waxa waajib ku ah adkaynta midnimada ummadda, ilaalinta jiritaanka Qaranimada iyo difaaca dalka iyo diinta si waafaqsan xeerka.
  2. Qof kasta waxa ku waajib ah inuu xaq dhawro Dastuurka iyo xeerarka dalka.

MASUULIYADDA SAXAAFADDA-Qodobka 10aad oo ka hadlaya U Hogaansanaanta  Xeerka Saxaafadda

  1. Saxaafad kasta waxa ku waajib ah inay xaqiijiso in wax soo saarkeeda saxaafadeed ee ay fidiso uu noqdo mid run ah oo dheelitiran.

 

  1. Saxaafad kasta waxa ku waajib ah ilaalinta iyo xafidaada sirta xeryaha ciidamada ee baahintoodu keeni karto in ay cadawgu wiiqaan istaraatiijiyada iyo awooda ciidan ee dalka.

Haddaba, anigoon ku sii dheeraanayn, faalaynta khaladaadka ula kaca ee ninkani ugu gefay anshaxa iyo asluubta war baahineed iyo akhlaaqda tebinta wararka ee Diinta islaamku inna fartay, waxaan u dhaafayaa sida hay’adaha garsoorka JSL ee ku shaqada leh uga falceliyaan, taasoo aan filayo cawaaqib kastoo ka soo gaadha ninkan lagu magacaabo Cabdirasaaq Terra, noqon doono mid uu isagu gacmahiisa ku doontay, isla markaana aan heli doonin wax qiil ah ama marmarsiinyo looga hadlo waxii ka soo gaadha, ilayn hore ayaa loo yidhi, “Doqon Sharcigu uma gargaaro!, waxaan kaga baxayaa ereyo ninkan Terra hore loogu tiriyey xilli hore oo uu qoray Sacad X Maxamuud Gadhle”

Ma ogtahay siciidow

Saxaafadi in ay tahay

Saldhigii aqoontoo

Tabintuna sir leedahay

Ma ogtahay siciidow

Suxufigii hogaansami

Sabaduu ku noolyahay

Saamayn ku leedahay

Bulsho waynta sixi karo

Cadaaladiyo sinaantiyo

Samahana ka talin karo

Nabadana ku sugi karo

Waajibaa ku saarane

Haku raadin sooryoo

Sii jeedka haku tabin

Haka suulin garashada

Dulmigana ha saacidin

Haku galin dir soociyo

Safashada qabiilkiyo

Sunta qaranka dumisiyo

Silbashada habawgiyo

Ka ilaali silitada       

Saamigaaga garashada

Yuu safiihu maamulin

 

SHIINE CILMI KAAHIN – HargeisaPress

LEAVE A REPLY