Rugta Ganacsiga Somaliland Oo Horumar Balaadhan Ku Tallaabsatay

0
831

Hargaysa, (HargeisaPress) — Rugta ganacsiga ee Somaliland ayaa mudooyinkan dambe waxay ku talaabsatay horumar iyo wax-qabad aad u balaadhan oo dhinacyo kala duwan leh, kuwaasi oo ay ka mid yihiin in carwooyin ganacsi oo badan ay dalka ka qabatay.

Guddoomiyaha rugta ganacsiga ee Somaliland md. Maxamed Shugri Jaamac, ayaa mudadii uu xilka hayay waxa uu  si aad ah  ugu dedaalay sidii ay rugta ganacsigu u noqon lahayd hay’ad si dhab ah u shaqaysi, isla markaana ay u noqon lahayd mid daka, dadka iyo dawladaba  waxtar u yeelatay.

Maxamed Shugri Jaamac, ayaa ku guulaystay in uu  dalka ka hirgeliyay lix carwo ganacsi oo ka qabsoomay caasimadda Hargaysa, kuwaasi oo dhamaantoodba ay soo qaban qaabisay, soona abaabushay rugta ganacsigu, iyada oo carwooyinkaasi kala danbeeyay  ay hirgelisay rugta ganacsigu ay noqdeen dhamaantoodba kuwo si weyn waxtar iyo faa’iido ugu yeeshay  bulshadda iyo dalkaba.

Waxaanay dhamaanba carwooyinkaasi ganacsi ahaayeen qaar ay ganacsatadda kala duwan ee dalku ku soo bandhigeen noocyadda  iyo qaybaha ganacsigooda, iyaga oo  bulshaddii ka qayb qaadatay si weyn ugu farxeen, isla markaana uga mahad celiyeen qiimo dhimis balaadhan oo ay ganacsatadu macaamiishoodda u samaysay.

Sidoo kale waxyaabaha uu guddoomiyaha rugta ganacsiga Maxamed Shugri Jaamac, hirgeliyay ama u qabsoomay mudadda uu xilka hayay waxaa ka mid ah  xeerka ganacsiga oo ay  golaha Wakiiladu ansixyeen, taasi oo noqonaysa markii u horaysay oo ay Somaliland yeelato xeerka ganacsiga, isla markaana waxa uu xeerkaasi fududeeyay waxyabo badan, iyada oo uu yahay mid faa’iido weyn u leh guud ahaanba dalka gaar ahaana ganacsatadda.

Waxyaabaha kale ee uu guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland ku guulaystay waxaa ka mid ah in uu dhamaanba ganacsatadda dalka hoos keenay kuna soo xidhay rugta ganacsiga, iyada oo ay wada shaqayn aad u wanaagsani ka dhaxayso ganacsatdda dalka iyo rugta ganacsiga oo uu xidhiidh koodu fiican yahay.

Maxamed Shugri Jaamac, ayaa sidoo kale mudadda uu xilka hayay waxa uu ka qayb galay shirar heer caalami ah oo ka dhacay dalal badan oo dunida ah, kuwaasi oo uu guddoomiyuhu si weyn ugu soo bandhigay  hawlaha balaadhan ee ay qaranka uga masuulka tahay ama u qaabilsan tahay rugta ganacsigu.

Maxamed Jaamac waa Maareeyaha ganacsi (business manager) waana shaqsiga maareeya shaqada iyo shaqaalaha si loo helo faaiido waana masuulka ilaaliya wixii hanti ah ee ay shirkaddi leedahay isla markaana waa nidaamiyaha shaqo maalmeedka (daily activities).

Waxa kale oo uu diyaariyaa wixii daraasad horumarin ah ee loo samaynaayo rugta ganacsigu si ay horumar u gaadhto. Shaqadiisa waxaa ka mid ah in uu keeno barnaamijyo cusub (new programmes) waxa kale oo uu sameeyaa daraasado lagu abuuraayo fikrado cusub (innovatives), la socoshada dhamaan qalabka shirkadda si ay shirkaddu ula socoto kolba wixii soo kordha, la talinta dhamaan waaxyaha kale si loola socod siiyo wixii cusub ee soo siyaada iyo la xiriiritaanka macaamiisha si loo ogaado kolba wixii ay u baahan yihiin in lagu siyaadiyo badeecadda ama adeega.

Si kastaba ha ahaatee guulaha wax ku oolka ah ee ay gaadhay ama ku talaabsatay rugta ganacsigu, ayaa ah karti iyo dedaal balaadhan oo uu muujiyay guddoomiyaha hay’adaasi oo ah masuul si xilkasnimo iyo hawl kar ah uga soo baxay shaqadii uu qaranka iyo umaddaba u hayay.

 

By.Axmed Fahad Maxamuud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here