Roob Lagu Diirsaday Oo Caawa Ka Da’ay Degaamo Ka Tirsan Buuhoodle

0
1561

Buuhoodle (Hargeisa Press.om): Degaamo ka tirsan gobolka Buuhoodle  iyo isla   magaaladda Buuhoodle ayaa waxaa caawa  ka da’ay Roobab xoog oo si weyn loogu diirsaday.

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaadhaya Buuhoodle,  degaamadda gobolkaas hoos yimaadda ay roobka caawa helay uu si balaadhan u wada maasheeyay.

Qaar ka mida waxgaradka Buuhoodle oo aanu caawa xidhiidh la samaynay ayaa sheegay in ay si weyn ugu faraxsan yihiin roobabkan ka curtay degaankaasi.

Gobolka Buuhoodle iyo degaamadda hoos yimaadda ayaa laga soo sheegayay mudooyinkan abaaro iyo biyo la’aan baahsan oo ka taagnayd.

Waxaana jirtay in meello ka tirsan gobolka Buuhoodle ay ceelashii biyuhu ka fadhiisteen, kuwaasoo ay dadka iyo xooluhuba ka cabi jireen.

Degaamadda roobku ka da’ay   ayaa kala ah Dan-dan, Sarmaan-tuke,  Banyaal, Carro weyn,  Geed Dheer, Bali-cad, Xamar lagu xidh,  Dhilaallo, Saaxdheer iyo  Dhallaama-cune, kuwaasoo dhammaantoodba ka tirsan Buuhoodle.

Dhinaca kale degaamadan caawa roobku ka da’ay  ayaa  ka mid ahaa degaamo dhinaca hawdka  Itoobiya ka xiga Buuhoodle oo looga soo aroori jiray.

Sidoo kale meello badan oo ka mid ah dhulkaasi ayaan hore u helin roobab wanaagsan, isla markaana degaamo fog fog looga soo hayaamay ceelasha biyaha ee ka jira awgeed.

Iyadoo beryahan danbe laga soo sheegayay dhulkaasi in dad iyo xoolaba ay aad u jilicsanaayeen.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY