Raysalwasaaraha Itoobiya Oo Xilkii Ka Qaaday Taliyayaashii Ciidamada Milatariga Iyo Sirdoonka

0
1214
Dr. Abiy Axmed

Addis Ababa, (HargeisaPress) —Raysalwasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed, ayaa xilkii ka qaaday taliyayaashii ciidamada milatariga Itoobiya iyo sirdoonka Samora Younus iyo Getachew Assefa.

Bedelkooda wuxuu taliyaha milatariga Itoobiya u magacaabay General Seare Mekonen, halka uu taliyaha sirdoonka u magacaabay General Adem Mohamed. General Samora ayaa taliyaha guud ee ciidanka Itoobiya ahaa 17 sannadood. Halka uu General Getachew Assefa xilka sirdoonka Itoobiya hayay muddo ku siman 18 sannadood.

Isbedeladan uu Raysalwasaaraha cusub ee Itoobiya ku sameeyay ciidamada milatariga iyo sirdoonka, ayaa waxa ka horeeyay wasiir cusub oo uu u magacaabay gaashaandhiga.

Itoobiya ayaa waxa muddooyinka dambe ka dhacayay isbedelo siyaasadeed, kuwaas oo dadka qaar ay shegeen inay yihiin kuwa xowli ku socda tan iyo intii xafiiska yimid raysal wasaaraha cusub ee Itoobiya, Dr Abiy Axmed. Wuxuu dhawaan Itoobiya laga qaaday xaaladii deg dega ahayd ee saarnayd, iyadoo cafis loo fidiyay maxaabiis siyaasadeed oo qaarkood ku xukunaayeen dil toogasho ah.

Maalmoo ka horna Ethiopia ayaa  ku dhawaaqday in ay Eritrea siin doonto dhul muddo lagu murunsanaa.

Guddiga fulinta ee isbaheysiga talada haya ee EPRDF ayaa sheegay inay u hogaansami doonaan heshiiska Algiers ee lagu xukmay xuduudda kala qeybisa Eritrea iyo Ethiopia.

EPRDF ayaa sheegay in go’aanka ay qaateen salaadadii uu yimid kadib markii ay dib u eegeen xaaladda Ethiopia iyo Eritrea, sidaas darteedna ay go’aansadeen in la joogteeyo nabadda dadka labada dal.

Magaalada Badme oo xuddun u ahayd dagaalka labada dhinac ayaa guddigu siiyey Eritrea, waxaana sanado badan kadib ay Ethiopia hadda aqbashay in Eritrea ay qaadato magaaladaas.

Si kastaba ha ahaate dadka reer Itoobiya ayaa isha ku haya isbedelada cusub ee uu samaynayo raysalwasaaraha cusub, kuwaas oo uu ku taabtay masuliyiin Itoobiyaan ah oo muddo dheer xilalka soo hayay.

Geeska

LEAVE A REPLY