Rayiislayaasha Hargeysa Oo Ka Cabanaya Ajaaniib Shaqadii Timo-Jarista Kala Wareegaysa

0
1152
Guddoomiyaha Ururka Timo-jarayaasha Somaliland Deeq Daahir Faarax

Hargeysa, (HargeisaPress) —Guddoomiyaha Ururka Rayislayaasha ama Timo-jarayaasha Somaliland Deeq Daahir Faarax, ayaa sheegay inay dalka ku soo badanayaan dadka ajaanibka ah ee Timo-jarayaasha, waxaanu Xukuumadda ugu baaqay inay wax ka qabato, oo ay kaga dhabayso balan-qaadkeena ah inay muhiimadda kowaad siinayso dadka muwaadiinta ah.

Guddoomiyaha Ururka Timo-jarayaasha Somaliland Deeq Daahir Faarax, ayaa isagoo ka hadlayay munaasibad ururkoodu ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa sidoo kale sheegay in ururkoodu xirfaddan ku tababareen dhalinyaro aad u badan, isla markaana wuxuu baaq u diray Wasaaraddaha Caafimaadka iyo Hawlaha guud, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Madaama aanu anagu Masuul ka nahay Rayislayaashii Wadanka, mar walba waxaanu rabnaa in aanu saxno Caafimaadkoodii, Timo-jarista oo ka mid ah xirfadaha ama farsamada gacanta, waxaanu doonaynaa in aanu tayeyno, oo waliba aanu barno dhalinyaro aad u badan, si ay uga baxaan shaqo la’aanta, Xukuumaddu waxay tidhaahdaa shaqo uu qof muwaadin ahi qaban karo, ajaanib ma qaban karo, ee ha naloo xakamayo shaqada timo-jarista, madaama aanu nahay cashuur bixiyayaal, maadaama aanu nahay muwaadiniin, waa in naloo xakameeyaa waxa aanu xaqa u leenahay, waxaana dhab ah in haddii uu dadka ajaanibka ah ee dalkeena u soo shaqo tagaya, isla markaana qabanaya shaqo uu muwaadinku qaban karo in xittaa amaankoodu khatar galayo, ee Xukuumaddu ha kaxamayso ajaanibka dalka u soo shaqo tagaya, ta kale Xukuumadda waxaanu ka codsanaynaa inay furto Machad lagu barto Xirfadan”.

Guddoomiyaha Ururka Rayislayaasha ama Timo-jarayaasha Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi, “Ururkayagu wuxuu tababaray oo xirfadan uu baray 75 dhalinyaro ah, oo reer Hargeysa ah, Gobollada kalena waanu tagi doonaa, waxaanu dhalinyarada ku tababarno siday caafimaadka dadka ay u xiirayaan u ilaalin lahaayeen, waxaana aad ugu mahadnaqayaa Dahabshiil Bank, gaar ahaan Cabdiraxmaan, iyo Hay’adda Shaqaalaha ee Dawladda gaar ahaan Guddoomiyaha, iyagoo aad noo gacan qabtay, isla markaana wax nala qabtay”.

Geeska

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here