Ra’iisul wasaaraha Somalia iyo Wafdi uu hogaaminayo oo galabta gaadhay Addis Ababa + SAWIRRO

0
989

Ra’iisul wasaaraha 3Addis Ababa ,(HargeisaPress) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Wafdigan ayaa waxaa ka mid ah; wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, C/llaahi Godax Barre, wasiirka arrimaha dibadda C/raxmaan Ducaale Bayle iyo guddoomiyaha hay’adda qaxootiga iyo barakacayaasha, Axmed-Daahir Cabdikarin Nuur, iyagoo wafdigan ay ka qaybgalayaan Addis Ababa shir ay soo qaban-qabisay Hay’add Qoxootiga Adduunka ee UNHCR.

Cabdiweli Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaadhay magaalada Addis Ababa -
Cabdiweli Sheekh Axmed iyo wafdi uu Hoggaaminayo oo Ka Degay Magaalada Addis Ababa

 

 

Shirkan oo berry furmaya ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalaya dalal ay ka mid yihiin; Yeman, Jabouti, Kenya, Uganda, dalka marti-gelinaya ee Itoobiya iyo hay’ado kale oo caalami ah.

Ujeeddada shirkan ayaa ah sidii ay Soomaaliya ugu muujin lahayd caalamka sida ay u go’an tahay in xal-waara laga gaaro qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalalka dariska ah.

Inta uu socdo shirkan ayaa waxaa laga soo jeedin doonaa firkarado xal u noqon kara qaxootiga Soomaliyeed iyo in dalalka gobolku ay ka qaataan u jeedo midaysan.

Ra’iisul wasaaraha 2

 

 

Waxaa sidoo kale, ra’iisul wasaaruhu dadaal u gali doonaa sidii caalamka looga dhaadhicin lahaa in dowladda Somalia gacan laga siiyo sidii qaxootiga Soomaaliyeed ay dalkooda ugu lahaayeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa siinaysa shirkan muhiimad gaar ah, madaama qaxooti Soomaaliyeed oo tiro badan ay ku sugan yihiin dalalka dariska ah, taasoo culays ku ah gobolka iyo dowldada Soomaaliya.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here