Qorshaha Badaluuu iyo caqliyada ka danbaysa- waa eray suuqdi ah oo bahdilan Qorshe la-aan iyo Caqli hoose ka timid

0
2268
Ahmedyasin sh Cumar Ahmed furre

Qorshaha Badaluuu iyo caqliyada ka danbaysa

Hogaamiyaha xaaladan aynu ku jirno sees wanaagsan inoo dhisi karaa waa inuu noqdaa mid ka daacad ah xilkaa, xeelad iyo xikmadna uleh in uu dadka rabitaankooda ku horgalo una kaxeeyo dhabadii horumarka iyo guusha,in uu leeyahay karti iyo hal adaygnimo uu kaga gudbo boholaha aasan ee ummadan madowga ka galiyay yoolkoodii iyo mustaqbalkoodii, hogaamiye aan wax loo yeedhin ee isagu ka fikira misna odorasa talaabo kasta oo uu qaadayo .
Guusha lawada sugayaa lama baajin karo qadarka ilaahay mooyee Xisbiyadu ma wada sinna waxay ku kala duwan yihiin sahanka iyo ujeedada guud ee geediga iyo hiigsiga fog Xisbiga kulmiye wuxuu kulmiyay intii ugu aqoonta badnayd ee aragti wanaagsan lahayd waxaa ka muuqda maamulkooda kala danbayn iyo maamul wanaag waxaa dadkan isku keenay waa duruufaha damaqa leh ee maanta iyo horeba u taagnaa.
Xisbiga Kulmiye hogaankeedu waxaa ka muuqda akhlaaq iyo iftiin hilaacaya khudbadaha Musharaxa muuse biixi waxaa asaas u ah inuu Guulo sare xaqiijiyo isagoo hadalkiisu ku celcelinaya inuu adeejinayo ama shaqa-galin doono Ummada oo dhan gaar ahaan xooga dhalinyarta si wax soo saarka dalka kor loogu qaado. Inuu abuuri doono Nidaam wanaagsan oo lagu dhiso qoyska iyo bulshadaba Isla markaana dib unoolaynaya kalsooni iyo jacayl wadaniyadeed, horamarin doono dhaqaalaha dalka, ilaalin doono jiritaanka dalka, wuxuu hogaankani abuuray koox adag oo aqoon uleh balaadhinta qorshaha xisbiga waxay goobkasta iyo gobolkasta kusoo bandhigeen qorshaha mustaqbal ee wax qabadka xisbiga cid may caayin,ceebna kumay dhiiranin,cirro-na kumay cadho bixin ee caado waxay ka dhigteen in cidwalba ku qanciyaan qorshahooda waxbarasho,dhaqaale,iyo amniba .
Duruufuhu waa nolosha tiirka dhisa waa muraayada kaliya ee mustaqbalka dawo u ah waa dawga kaliya ee laga fiiro qaadan karo waa casharka maanta ii qoran,Xisbiyada taageerayaashoodu way kukala aragti duwan yihiin.

 

Xisbiga wadani waxaa la shaqeeya dhalinyar isu xidhan oo udiyaarsan inay dhamaystiraan hawlaha shaqo ee xisbiga balse waxaa saluug badan laga qabaa kooxda hogaanka xisbiga gadhwadeenka ka ah oo aan aragtidii iyo hiigsigii xisbiga aan ka midaysnayn,marada cas,maskaxda cadhaysan,muraayadaha qafilan,iyo musharaxa laga talaabsaday ee loo yeedhiyo qorshihiisii,danbiilayaal ganan baa daf usoo yidhi,duul iyo cadho ururtay damiirkoodu dhagar qabo doodooduna jaban tahay deelqaafkoodu badan,da’a daalan iyo duqay isugu jira duulimaadkooda riddo u meel dayo inuu ku horjoogsado miyaanu daw ulahayn,Bal adba! odaygii xisbigii waa laga afduubay isna waa udaba fadhiyaa,xisbigu xirsi hortii muu lahayn qorshe qaran oo ay ku sawiraan mustaqbalka bulshada ay la rabaan balse waxaa ka daacada badaluuuu eray suuqdi ah oo protocol-ahaan ku haboonayn in umad Cod lagaga raadsho .

Badalluuu warkiisana

Aan kuu balaadhshee

Duxda aan ku siiyee

Dhagta toos igala soco

Badalluu waa ayaan darro

Xil damiirku qaadiyo

Waa eray diciifnimo

Waa astaan dib usocodiyo

Boog dalooshoo

Dadka maanka kaga yaal ……..afarlay jacbur ah by ahmedyasin

 

xisbiga wadani waxaa markiiba bulshadii isla aragtay in kalsooni darro cad hayso ficilo xun xun ku kacayo isla markaana khalkhal galinaya xasiloonida dalka waayo waxay tiigsanayaa sawiro iyo dacaayado madhan oo xal u ahayn waxay isticmaalaan Beenfariimeed (false flag) boogaysan oo tilmaamay guuldarrada kusoo foodleh 13 Nov 2017.
Xisbigan Hogaankoodu waxay ummadda lasoo hor istaagaan cay iyo xeelad khariban oo shakhsi cay ah 10 nin ee hogaanka ahi khudbadoodi waa hebel cay xisbigani uma muuqdo mid tartan ugu jirro inuu tallada dalkan ku guulaysto waxay u wada hooladan yihiin inay hog la beegsadeen qarankan bal amarka ilaahay gocon dhooyin badanaa,waxay qaylo dhaan ku sheegaan in dagaal dhici doono
Maxaa sababa in ay adkaato in aqoonyahanka, indheer garadka iyo culumaduba wax isla fahmi waayay oo ninba dhinac ujeediyo aragtida saxda ah ee ay ku dooran lahaayeen hogaamiye kana midoobaan dantooda.
1- Waxaa sababa in bulshadu qalibantay cid ay aamintana isla garanwayday xanuuno la nooli ay jiraan oo cilminafsi ahi kolba xeeladii loola yimaadana aqbala sida qabyaalada oo sababa isku muuqasho isu baanid ka fog duruufaha noloshooda ku xeeran
2- Taariikh hore oo khaldanoo ay kala aaminsan yihiin bulshada dhexdoodu.
3- Jaahilnimo ama Heerka aqooneed iyo ta garaadka oo kala hirar duwan sida fikirka iyo qiyaasta aqooneedee wax lagucabiro
4- Tababarka iyo barbaarintii bulshada oo luntay xiligii burburku ka dhacay wadanka

Qodobadaasi waxay sababeen in runtii madmadow ku jirto oo sax iyo khaladka loo kala safto culumo iyo aqoonyahankuna ku koobnaadaan buugaagta qoran ee waxba ka tarayn noloshan qalibantay
xoolaha lama hogaamiyee waa lakaxeeyaa, ama gadaal baa laga cadaadiyaa si ay usocdaan. Ummadkasta oo rabta inay gaarato Wanaag iyo horumarna waxaa lama huraan ah inay hesho Hogaan sax ah, oo leh tilmamihii hogaamiye-nimo, ee Ummadan guul u horseedi tee lahaa

Qalinkii: Ahmedyasin sh Cumar Ahmed Furre

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here