Qoraal Safiirka Somaliland Ee Imaaraadku Ka Soo Saaray Kulan Dhexmaray Shirkada DP World.

0
1495
Amb. Baashe Cawil Cumar.

Dubai,(HargeisaPress) —Wada xaajood dhexmaray maanta wefdi ka socda Somaliland iyo shirkada DP World ayaa si wanaagsan u soo dhamaaday, is-afgarad wanaagsana wuu ka soo baxay.”sidaa waxa lagu sheegay qoraal uu soo saaray Safiirka dalka Imaaraadka Carabta u fadhiya Somaliland, Amb. Baashe Cawil Cumar.

Qoraal kooban oo u soo saaray Safiir Baashe Cawil oo mareegta HargeisaPress, heshay ayaa u dhignaa sidan:

“Wefdi ka socda xukuumada Somaliland iyo madaxda shirkada hawlaha dekedaha ee DP World ayaa is-afgarad wanaagsan laga gaadhay, dhamaan qodobadii laga wada hadlay.

Wefdigan oo ka koobnaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Madaxtooyadda Mr. Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Maaliyadda, Zamzam Cabdi Aadan, Maareeyaha Dekeda iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Itoobiya, ayaa la filayaa inay maalinta Jimcaha kulan la yeeshaan jaaliyadda Somaliland eek u dhaqan dalka Imaaraadka Carabta.

Dhamaan wefdiga Somaliland ayaa ku soo laaban doona dalka usbuuca dambe, marka laga reebo Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire oo ku biiri doona wefdiga Madaxweyne Siilanyo ee booqashada ku tegay dalka Ingiriiska.”

Inkastoo aan faahfaahin dheeraad ah lagu sheegin qoraalka safiirka Somaliland ee Imaaraadka Amb Baashe Cawil, dhinaca kale, Kulankan wefdiga Somaliland iyo madaxda shirkada DP World ayaa imanaya xilli bisha dambe la filayo in shirkada DP World si rasmi ah ula wareegto maamulka dekeda Berbera siduu dhigayey heshiiskii maalgashiga iyo horumarinta ee xukuumada Somaliland la gashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here