Qaranimo la gaadhi maayo haddii aan qabyaaladda la joojin

0
1352

Ugu horeyn waxa aan halkan ka salaamayaa dhamaan umadda reer Somaliland meel kasta oo ay joogto. Waxa aan leeyahay RAMADAAN KARIIM. Baryahan danbe (laga soo bilaabo 2010 markii KULMIYE la doortay) waxaa inagu soo batay qabyaaladdii oo faraha ka baxday. Wakhtigii xukuumaddii hore aad iyo aad ayay qabyaaladdu uga yarayd halka ay maanta marayso. Waxaa bilawday shir beeleedyo iyo qabyaaladdii oo si aan qarsoodi ahayn loola shir imanayo. Somaliland waxa wada dega beelo kala duwan. Beelahaas saddex qaybood oo waa weyn ayaa loo qaybin karaa. Waxa ay kala yihiin beelaha dega galbeedka, kuwa dhexe, iyo beelaha bariga. Dhibaatada ugu weyni maanta waxa ay ka taagantahay beelaha dhexe dhexdooda. Iyagii ayaa reero iyo jufooyin u kala baxay. Tusaale ahaan, waxa aan soo qaadan karaa shirka SUBEER AWAL ee ay dhalinyaro beeshaasi ka soo jeeda soo qabanqaabiyeen. Waxa jira iyaguna shirar kale oo beelo kale ay iyaguna qabsadeen sida beesha Arab. Tusaalayaasha waan sii wadi karaa laakiin intaas aan ku dhaafo. Anigu waxa aan ahay qof reer Somaliland ah oo qurbaha ku nool. Waxa aan jecelahay horumarka, nabada iyo isku duubnida umada reer Somaliland. Beesha dhexe ee Somaliland waa in ay tusaale fiican u noqotaa beelaha kale oo ay ka shaqaysaa isku duubnida umada iyo la dagaalanka qabyaalada. Haddii taasi la waayo Somaliland waxa ay u kala bixi doontaa reero, beelo, iyo jufooyin. Halkaasina waxa ku dhamaan doona qaranimadii ay umadu hiigsanaysay. Qaranimo la gaadhi maayo haddii aan qabyaaladda la joojin. Waa in magaca Somaliland laga horaysiiyo magaca reerka. Waa in dadka la simaa. Aqoon la’aani waa iftiin la’aan. Inta yar ee aqoonta isku sheegaysa ee dalka hogaaminaysa waa in aanay bulshada inteeda kale jar ka tuurin oo aanay burbur u horseedin. Halala dagaalamo qabyaaladda. Hibo Maxamed, Norway dpuf

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here