Qaran 24 jirsaday Quudhsi Uma Baahna Qalinkii: Cali Xasan

0
898

Sidaan lawada soco Somaliland waa qaran 24-jirsaday  waxaana hada lagu guda jiraa qaban qaabada iyo u diyaar garowga maalinta qaranka ee 18may oo wax yari uun ka hadheen islamarkaana dhawaan la xusi doono hadii allaha awooda lehi inagu simo,  sidaan la wada socono Somaliland waxay leedahay  cadow badan  kaasi oo raadinaya jaanis uu ka faaidaysto, balse nasiib wanaag waxaa indho dheer u leh oo meel uga soo wada jeeda shacbiga Somaliland iyo dawlada iska kaashada sugida amaanka dalkooda, waxaana wax ilaahay loogu mahad celiyo ah  in Somaliland ka mid tahay  wadamada geeska Africa ugu nabada iyo xasiloonida badan.

10929945_642143822584355_2253459184089445239_n

Nabad gelyada iyo xasiloonida maanta la heysto waxaa loo soo maray hayaan dheer iyo wado adag, waxaana loosoo shubay dhiig sidoo kalena waxaa loo soo huray nafo, kumanaan qof ayaa luxudka u jiifa xornimada aynu maanta haysano daraadeed, hasa ahaatee kuwo badan oo inaga midahi ma garan karaan sababta gobanimada dhalisay, kuwo  badan oo kamida cadawgeenu waxay soo adeegsadaan kuwo xageena ay u naqaano muwaadiniin ma garan karno sababta ay ugu adeegayaan cadawgeena, waxaan xasuusinayaa bulshada sharafta leh inay  ku baraarujiyo inay aad u digtoonaadaan waxkasta oo ay ka shikiyaana sidii wadajirka iyo wada shaqaynta lahayd usoo ogaysiiyaan ciidamada amaanka.

Heerkaa aynu taaganahay  iyo waxaa ay dheernahay mandaqada Geeska Afrrica waa isku duubnida iyo wada jirka, waana ta dhalisay taaba qaadka iyo horumarkeena qarana,  waxaan jeclahay dadkaygu inay garanayaan cida wax yeelaysa cadowgeenana waynu naqaanaa dawlada aynu la shaqayno qofkastaaba hays qilqaamo xuska maalintaasi oo nabad gelyada dhankiisa haka ilaaliyo.

Somaliland tan iyo maalintii ay dib ula soo noqotay gobanimadii halowday 1960-kii waxaa isaga danbeeyey  afar madaxweyne oo mid ba heer soo gaadhsiiyey, waxaana maanta majaraha u haya halgamaa ah ruugcadaa mujaahida oo qarankan badbaadadiisa duurka usoo galay mudo ku siman 10-sano, Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo hada wuxuu xukunka hayaa 5-sano oo waxyar la,a qofkasta oo wax garada indhihuusa qabanayaan wanaaga wuu arki karaa cid ka indhala,ina ma jirto,

 

 

Qalinkii: Cali Xasan

LEAVE A REPLY