Qaramada Midoobay Oo Mar Kale La Weydiiyay Mawqifkooda Saldhiga Ay UAE Ka Dhisanayso Berbera iyo Jawaabta Ay Bixiyeen

0
846
Afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Stéphane Dujarric

Hargeysa ,(HargeisaPress) —Qaramada Midoobay ayaa mar kale la weydiiyay mawqifka Qaramada Midoobay ee saldhiga ay dawladda UAE ka dhisanayso Berbera iyo weliba khilaafka dhinaca maamulida hawada ee Somaliland iyo Somaliya.

Afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Stéphane Dujarric oo 23 April shir saxaafadeed u qabtay saxaafadda, isagoo ka mid ahaa wefti uu xoghayaha guud hoggaaminayay oo safar ku tagay dalka Sweden ayaa wuxuu si kooban oo aan cadayn uga jawaabay mawqifka Qaramada Midoobay ee saldhiga ay dawladda UAE ka dhisanayso Berbera oo halkaas ay saxaafadu ku weydiisay. Afhayeenka xoghayaha guud oo  la weydiiyay su’aal nuxurkeedu ahaa khilaafaadka ka dhex taagan Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya, iyadoo ay Muqdisho ku dagaalameen ciidamo Soomaali ah oo uu Imaaraadku tababaray iyo ciidamo kale, islamarkaana ay UAE ka baxday Soomaaliya, iyo saldhiga ay  UAE ka dhisanayso Berbera oo ah Somaliland, haddana uu jiro khilaaf ka dhex taagan Somaliland iyo Somaliya oo dhinaca hawada ah. Waxa la weydiiyay doorka Qaramada Midoobay ee arrimahaas. Afhayeenka ayaa su’aashan kaga jawaabay “Waxa aan filayaa in dedaalka Qaramada Midoobay uu ahaa in maamullada Soomaalida laga caawiyo sidii ay siyaabo badan  dib ugu heli lahaayeen awooddoodii maamul ee dalka.. halkaas ayaanay ahayd halka caawimadayadu xoogga saaraysay.”

Afhayeenka ayaa lagu celiyay su’aashan, waxaana la weydiiyay su’aal nuxurkeedu ahaa miyay Qaramada Midoobay ka soo horjeedaa saldhiga UAE ka dhisanayso Berbera, waxaanu yidhi  “Taasi waa… waxa aan is leeyahay waan ku dhegenaan doonaa jawaabtan.”

Qaramada Midoobay ayaa hore dacwadii ay Soomaaliya ka gudbisay saldhiga ay UAE ka dhisanayso Berbera, waxay ugu tilmaantay arrin laba wadan u dhaxaysa. Waxaana marka la eego jawaabtan afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay lagala soo dhex bixi karaa in Qaramada Midoobay iska ururinayso inay dhex gasho muranka UAE iyo Soomaaliya.

LEAVE A REPLY