Qalab Cusub Oo Uu Qofku Ku Ogaan Karo Caafimaadkiisa Guud Iyo Si Gaar Ah Sambabada, Wadnaha Iyo Uur Ku Jirta

0
1147

Tel Aviv , (HargeisaPress) — Shirkad laga leeyahay Israa’iil ayaa ku guulaysatay in ay soo saarto qalab casri ah oo dadka xanuunka ka cabanayaa ay iskood isugu baadhi karaan inta aanay dhakhtarta u tegin si ay u gartaan heerka xaaladdoodu in uu dhakhtar takhasus ah u baahan yahay iyo in uu dhakhtar guud uun arko iyo sida oo kale in xaaladdu gaadhay heer dhakhtar uu u tago.

Qalabkan cusub oo lagu magacaabo Tiyto waxa uu bukaanka qiyaas fiican ka siinayaa, heerkulka jidhkooda iyo heerka garaaca wadnaha, waxa kale oo uu qalabkani awood u leeyahay in uu si qoto dheer u baadho qofka isaga oo gurigiisa jooga oo aan dhakhtar la joogin, gaar ahaan xubnaha ay ka mid yihiin dhegaha, sambabada iyo qaybo uurkujirta ka mid ah. Didi Gillad oo agaasime guud iyo aasaase ka ah shirkadda Tito Care oo ah shirkadda hal-abuurtay qalabkan cusub, ayaa isaga oo qalabkan faahfaahinaya waxa uu yidhi,

“Qalabkani waxa uu awood u leeyahay in uu baadhis buuxda iyo shaybaadh ku sameeyo jidhka oo dhan, isla markaana uu sheego xaaladda caafimaad ee qofka, isaga oo aan gurigiisa ka bixin” Qalabkan cusub ee tiknoolajiyadda ku shaqaynaya ayaa lagu wadaa in uu qayb libaax ka qaato adeegga caafimaad isla markaana dadka ka yareeyo kharashaadka badan ee kaga baxa shaybaadhada iyo la kulanka dhakhtarta oo marar badan qofka oo kharash ka baxay uu ogaado in xaaladdiisu ay fiican tahay.

Qalabkan cusub oo soo dhoweyn badan kala kulmay suuqa caafimaadka waxaa aqoonsaday hay’adda cuntada iyo dawooyinka ee Maraykanka, waxa aana si dhab ah u bilowday in loo iibgeeyo suuqyada Maraykanka. Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Skynews ayaa intaas ku daray in qalabkan cusub qiimihiisu uu yahay 299 doolar.

Geeska

LEAVE A REPLY