Puntland Oo Dalbatay In Laga Qayb Geliyo Wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya

0
744

Garoowe (Hargeisa Press.com): Maamul goboleedka Puntland ayaa ka dalbaday dawladda federaalka Muqdisho in ay ka qayb geliso arrimaha sharciyadda khuseeya ee dawladda Muqdisho ay ansixiso.

Gaar ahaana  wada-hadaladda u dhexeeya jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Xamar ee federaalka. Wada-hadaladdaasi oo ay Puntland sheegtay in ay saamayn ku leeyihiin.

Dalabka Puntland ayaa ka mid ahaa qodob ka soo baxay shir magaciisa lagu sheegay jihaynta siyaasadda Puntland oo lagu qabtay magaaladda Garoowe Khamiistii shalay, kaasoo uu   shir-gudoominayay madaxweynaha maamulkaasi Siciid C/laahi Deni.

Qodobadii shirkaas ka soo baxay waxaa warbaahinta u faahfaahiyay wasiirka qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Puntland.

Isagoo qodobkaas ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Gor-gortan iyo heshiis walba oo saamaynaya dawladaha xubnaha ka ah dawladda federaalka Soomaaliya, waxaa waajiba in laga qayb geliyo oo aanu ku koobnaanin dawladda federaalka ah oo keliya.

Sidaas darteed, Puntland waa in ay qayb ka tahay wada-hadal walba oo saamayn ku leh degaamadda Puntland, gaar ahaan  wada-hadaladda u dhexeeya dawladda federaalka Muqdisho iyo Somaliland”.

Qodobadda kale ee shirkii shalay ee Garoowe ka soo baxaya waxaa ka mid ahaa in maamulka Puntland ay mudnaanta koowaad siinayaan sugidda amniga gudaha iyo xuduudaha Puntland.

Taasoo ku soo beegmaysa xili maalmahan danbe xiisad iyo dhaq-dhaqaaq ciidan laga soo sheegayay xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo maamulka Puntland.

“Xukuumadu waxay mudnaanta ugu horaysa siin doontaa sugidda amniga gudaha iyo xuduudaha Puntland.

Waxaana shacbiga lagu wargelinayaa in ay si dhaw ula shaqeeyaan, kuna kal-soonaadaan awoodaha laamaha amniga” ayuu yidhi wasiirka qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Puntland.

Dhinaca kale madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland ayaa dhawaan sheegay in ay beesha caalamka ka codsadeen in wada-hadalka u dhexeeya dawladda Muqdisho lagu qabto fagaare caalamiya.

Waxaanu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ku eedeeyay   Soomaaliya in ay  weli diidan tahay soo jeedimaha bulshadda caalamku ku doonayso in wada-hadal furan oo madal loo dhan yahay ka dhaca lagu gar-naqsado.

Sidoo kale waxaan la saadaalin Karin in dawladda federaalka Muqdisho ay aqbali doonto ama tixgelin doonto dalabkan ka soo yeedhay maamulka Puntland.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here