Puntland Oo Diiddan Waan-waan Nabadeed Oo Beesha Caalamku Ka Dhex Waddo Somaliland

0
1288

Boosaaso , (HargeisaPress) —Maamul-gobolleedka Puntland, ayaa diiddan Waan-waan Nabadeed oo Beesha Caalamku doonayso inay ku dhamayso Colaadda u dhexeysa Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa laga soo xigtay in Bulshadu Caalamku waddo dedaallo ay ku doonayaan inay ku dhexdhexaadiyaan Dawladda Somaliland iyo Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ka dib markii Ciidammada labada dhinac dhowr jeer ku dagaalameen duleedka degmada Tuke-raq ee Gobolka Sool ee Somaliland, halkaasi oo Ciidammada Puntland oo kuwa Somaliland ka saareen horraantii Sannadkani doonayaan inay dib u qabsadaan.

Laakiin, Afhayeenka Madaxtooyada Maamul-gobolleedka Puntland Cabdillaahi Qudhaan-jecel oo Caawa Magaalada Boosaaso kula hadlay Magaalada Boosaaso, ayaa sheegay isaga oo daba socda Hadalka Wasiirka Arrimaha dibedda ee Somaliland, wuxuu sheegay in aanay wax Wada-hadal ah la yeelanayn Somaliland, isagoo su’aal geliyey halka ay Somaliland kula hadlayaan ama kula heshiinayaan inay tahay inta u dhaxaysa Laascaanood oo Somaliland iyo Garoowe oo Puntland, “Waxaan waydiinayaa Wasiir Sacad Cali Shire (Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland) xaggee ayay kula heshiineysa Puntland, ma Laascaanood ayuu leeyahay,  ma waxay kula heshiineysaa Garoowe iyo Laascaanood dhexdooda..” ayuu yidhi, Afhayeenka Madaxtooyada Puntland, waxaanu intaa ku daray “Waxaan u sheegnay shacabka Soomaaliyeed horeyna ugu sheegney shacabka Soomaaliland, waalla xoreynayaa Laascaanood, waayo? waa dhul Puntland, waa dhul dastuuri ah…”

Mr. Qudhaan-jecel waxa kale oo uu ku dooday in Qodobbada Beesha Caalamku ku dhexdhexaadinayso Somaliland iyo Puntland la soo qoray markii buu yidhi Ciidammada Somaliland gaadheen degmada Tuke-raq.

Degmada Tuke-raq ayaa Qiyaastii 50KM dhanka galbeedka ka xigta Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamul-gobolleedka Puntland, waxayna dhanka Koonfureed qiyaastii 70KM ka xigtaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, taasi oo Macnaheedu yahay inay ku taallo gudaha Xuduudka Somaliland oo dhowr Afartan KM ka xiga dhanka Punland.

Dawladda Somaliland ayaa doonaysa inay Mustaqbalka gaadho Xuduudkeeda rasmiga ah, kaasi oo aan ka fogayn Magaalo Madaxda Maamulka Puntland ee Garoowe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here