Puntland Oo Degaamadeedda Ka Mamnuucday Masuuliyiinta Dawladda Federaalka

0
894

Garoowe (Hargeisa Press): Maamul goboleedka Puntland ayaa degaamadoodda  ka mamnuucay in ay yimaadaan masuuliyiinta iyo shaqaalaha sare  ee dawladda federaalka Soomaaliya inta lagu guddo jiro doorashadda maamulkaasi.

Tallaabadaas oo ay ku tilmaameen mid ay kaga hor tegayaan farro gelin iyo khal-khal lagu sameeyo hanaanka doorashadda  madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka  oo la filayo in ay qabsoonto 8-da bisha January ee sanadka soo socda ee 2019-ka.

Waxaanay sheegeen in aanay garoomadda diyaaradaha magaalooyinka Puntland ka soo degi Karin masuuliyiinta, shaqaalaha, agaasimeyaasha iyo xubnaha kale ee dawladda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), ayaa sheegay in dawladda federaalka Soomaaliya ay farro gelin ku samaysay doorashooyinka maamul goboleedyadda.

Sidaas darteed na  cidii ka socota dawladda federaalka ee Puntland timaadda ay u arkaan kuwo farro gelin wadda.

“Amniga, xukuumadda markaa jirta ayuu xil ka saaran yahay. Waxaynu og nahay dawladda federaalku farro gelin in ay maamul goboleedyadda kula jirto. Doorashadii Koonfur Galbeed oo ka dhacday waa lala socdaa, farro gelintii iyo dhibaatadii ka dhacday.

Iyadoo doorashadda Puntland ay 10 maalmood ka hadhsan tahay, cida imanaysa waxaanu u aragnaa cid farro gelin ku haysa.

Maamul goboleedyadu iyagaa u madax banaan doorashadoodda. Puntland-na way ka gedisan tahay, oo dawlad 20 sanadood jirtay weeye, iyadaa-na isku filan”ayuu yidhi wasiir Qarjab oo maanta BBC ugu waramay magaaladda garoowe.

Isagoo ka hadlayay go’aanka ay maamul ahaan arrintaas ka soo saareen, waxa uu yidhi “Waxaanu go’aaminay wasiirrada dawladda federaalka ah, xafiiska raysal wasaaraha wixii ka socda, xafiiska madaxweynaha wixii ka socda, iyo cid kastoo carqalad gelinaysa doorashadda Puntland aragti midaysan in laga qaato.

Xubnahaasina aanay iman Karin, oo aanay garoomadda diyaaradaha Puntland ka soo degi Karin”.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here