Prof. Samatar iyo Prof. Galaydh Oo Ku Kala Aragti Duwan Somaliland La Wada Leeyahay

0
836

Boorama (Hargeisa Press.com):  Prof Axmed Ismaaciil Samater iyo Prof Cali Khaliif Galaydh, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Somaliland la wada leeyahay.

Waxaanu sheegay Prof.  Samater,  in Somaliland la wada leeyahay,halka uu dhigiisa Prof Cali Khaliif-na sheegay in aanay jirin Somaliland la wada leeyahay.

Ugu Horayn Prof Samater oo arrintaasi ka hadlayay waxa uu yidhi “Somaliland waa la wada leeyahay anniga Jawaabtaydu.

Markaa maxaan u odhan karaa waa la wada leeyahay inta aanan u iman waxa dhiman dee horeba waa loo sheegay degmada meel ayey ku taalaa calaamadsan oo la yaqaano oo la yidhaah-do Somaliland .”

Waxaanu intaasi ku sii daray “Waxanu wada leenahay gobanimadii Somaliland ay heshay ee  loogu dhawaaqay bishii Juun 26 1960-kii afartii qof ee saxeexayna Magac-yadooda waa la yaqaanayoo Somaliland ballaadhkeeda ayay ka yimadeen afartii qof ee saxeexay.

Dhinaca labaadna waxaan leeyahay haddii la wada leeyahay haddana wax badan ayaa dhiman , dadka xasuusan waaya wixii soo maray xusuusan waaya,  waxay isku kelifaan inay ku cel-celiyaan uun khaladaadiikii taariikhda ay kusoo  mareen yeynaa sidaas noqonin  Somaliland yaanay inaga beenoobin ee dadaalka hala kordhiyo”ayuu yidhi Samater

Dhanka kale Prof.  Cali Khaliif Galaydh,  ayaa isna dhankiisa sheegay in aanay jirin Somaliland la wada leeyahay oo inta la isku raacay la yidhi Somaliland aynu dhisno.  “Anniga xusuustaytu hadduusan khaldanayn waar meel la isku raacay oo Somaliland ayaanu wada dhisanaa oo dalka ayaa la kala goynayaa dhukmanti jira annigu ma ogi.

Waan-ba maqalay meel annoo fadhiya lagaga khudbadaynayo Cali Khaliif-kan inala fadhiya ayaa wax ka saxeexay waar ma saxeexin ”ayuu yidhi Cali Khaliif.

Isagoo haddalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi  “Waar geel didii loogama hadho haddii aynu xisaabtamayno waar si dhab ah aynu u xisaabtano, waar Distuurka maxaa ku yaal waar Distoorku wax-yi maaha waar aan dib u eegno waar wixii danteena ah aan ka eegano.

Waar Distoorka nin kale igama sheegan karro qabiil igama sheegan karro , haddii uu iga sheektana waxba iskuma nihin , Distoorkaana ma qaadanayo Somaliland kama mid noqonayo .”

Ugu Dambeyn Prof.  Cali Khaliif Galaydh ayaa haddalkiisa ku soo afmaaray,  “Waxaan ku hiranaynaa waa wax wada lahaansha loo siman yahay, hadda looma sina haddaan wax wada lahaanshii  loo sinayn , tii qabiilka ahayd ee qaraxa ahayd ee wax lagu qabysadayna meesha ma taal”ayuu yidhi Prof. Galaydh.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

Xigasho: Wargeyska Waaberi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here