Prof Cali Khaliif Galaydh Oo Lagu Soo Dhaweeyey Magaalada Gabiley Iyo Nuxurka Kalmado Laga Soo Jeediyey Goobta

0
1130

Gabiley, (HargeisaPress) —Hogaamiyaha Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh oo socdaal ku tagey magaalada Borama ayaa maanta socdaal uu kaga soo laabtay magaladaasi ayaa waxa magaalada gabiley ku soo dhaweeyay Aqoonyahan Cumar Madar Amare, Maayirkii hore ee Gabiley Aadan Bade, Xildhibaan Cibaado Maax Cilmi iyo dadweyne kale.

Cali Khaliif Galaydh oo Booqasho ku soo maray Jaamacadda Camuud ee duleedka magaalada Boorama oo uu 59 sano ka hor Dugsigiisii sare ka bilaabay. Waxaana socdaalkiisa ku weheliyey Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Xubno Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somaliland ka tirsan.

Prof: Galaydh oo ay Gabilay ku soo dhaweeyeen Xildhibaanno ka tirsan Golaha deegaanka Gabiley, Masuuliyiin, Shacab Rag iyo Dumarba leh iyo Maayerkii hore ee magaaladaas Aadan Muxumed Bade oo wakhtigan ka tirsan Xisbiga talada haya ee Kulmiye, waxaanu Galaydh ka mahad-celiyey sida Gabiley loogu soo dhaweeyey oo uu sheegay inaanu filaynin.

advertisements

HargeisaPress News Desk — Berbera

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here