Prof. Buubaa oo ka Hadlay Saamaynta ka Dhalan Karta Xaaladaha Siyaasadeed ee ka Taagan Dalka Itoobiya

0
1010
Prof. Ismaaciil Maxamuud Hure (Buubaa)

Hargeysa , (HargeisaPress) —Prof. Ismaaciil Maxamuud Hure (Buubaa) oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa

“Runtii arrintan Itoobiya guud ahaanba daganaanshaheeda iyo mandaqaddu aad iyo aad ayey isugu xidhan yihiin, waa waddan muhiim ah, waa waddan dhaqaalihiisu aad iyo aad u kobcayo, oo hadda maanta dhaqaalaha Geeska Afrika waa waddanka ugu horreeya uu u eg yahay isaga iyo Kiiniya oo ay aad u wanaagsan yihiin. Waa waddan dhibaatada ka taagan Soomaaliya door ka ciyaaraya, waa waddan Somaliland si aad iyo aad u ballaadhan ay isugu xidhan yihiin.

Kolkaa dhibaatada halkaa ka dhacdaa waa mid aan saameynayn uun Itoobiya oo mandaqadda Geeska Afrika oo dhan saameynaysa. Sida aad ogsoon tihiin waa xaruntii African Union-ka, taasina Afrika oo dhan aad u aanaynaysaa wixii halkaa ka dhaca, dadka iyo dawladaha Geeska Afrikana si gaar ah ayey u aanaynayaan,” ayuu yidhi Prof. Ismaaciil Buubaa.

Waxaannu intaas ku daray; “Xaggaa iyo siyaasadda dawliga ah ee caalamkana, dawladaha waaweyn ama reer Yurub ha noqdeen ama Mareykan ha noqdeen ama Jayna (China) ama Ruushka amaba Hindiya aad iyo aad bay maanta Itoobiya marxaladda ay socoto ula socdaan.

Sidaa aawadeed, gaar ahaan dhinaca siyaasadda marxaliga ah ama hoose uu marayo ama siyaasadda mandaqadda iyo siyaasadda dawliga ahba arrintaasi waa arrin aad u saameynaysa, waxayna ila tahay caalamku inuu ku wada hawlan yahay sidii arrintaas loo dajin lahaa in la helo. Anigu waanan ku kalsoonnahay arrintaasi in aanay faraha ka bixi doonin oo si wanaagsan looga shaqeyn doono.”

Su’aalaha shirka jaraa’id lagu weydiiyey Prof. Ismaaciil Hure Buubaa iyo jawaabaha uu ka bixiyey oo faahfaahsana waxa ay u dhaceen sidan;

Su’aal: Dhawaan waxa laga yaabaa in wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland ay dib u bilaabmaan, bal hadda arrintaasi sideed u aragtaa?

Ismaaciil Hurre Buubaa: Arrintaas qudhadeedu waa arrin aad iyo aad u muhiim ah, aan ahmiyad uun u lahayn Somaliland iyo Soomaaliya ee Geeska Afrika oo dhan u wada leh. Sida aynu ogsoonnahay arrinta Somaliland iyo Soomaaliya ay ka wadahadli doonaan waxay ku lug leedahay, arrin qarnigii inna soo dhaafay kontameeyaheedii, lixdameeyaheedii bilaabmay oo Somaliland iyo Soomaaliya oo isu-taggey, laakiinse qoonduhu ahaa dhulka Soomaalida oo dhan la isu geeyo.

Arrintaasi waa arrin meel-mari weyday oo fashilantay, dantuna Somaliland iyo Soomaaliyaba waxay ugu jirtaa, sidii arrintaas xal loogu wada heli lahaa inay ka wada shaqeeyaan, dawladaha Geeska Afrika ama Itoobiya ha noqoto ama Kiiniya ha noqoto ama Djibouti ha noqoto, intaasba waa arrin taabanaysa. Kolkaa waxay ila tahay waa arrin waqtigeedii la gaadhay, in si degan oo hufan oo qoto-dheer loo eego, wax laga wada qabto, xal waarana loo helo.

Su’aal: Dadku waxa ay is-weydiinayaa dawladda Jabuuti ama Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle sidee ayuu dhex ugu noqon karaa Somaliland iyo Soomaaliya?

Ismaaciil Hurre Buubaa: Arrintu kolka horeba wadahadalku waa mid khuseeya Somaliland iyo Soomaaliya. Markaa Djibouti haddii lagu shiraba iyo meel kaleba, wadahadalka iyo arrintan is-af-garadka cidda laga doonayaa horta waa Somaliland iyo Soomaaliya, kolkaa Jabuuti si gaar ah ayey uga duwan tahay dawladaha kale ee Geeska Afrika, waayo waa waddan badidiisu dadka ku nool ay yihiin Soomaali, waa waddan qoondihii Somaliland iyo Soomaaliya isu-geeyey dhinac ka ahaa taariikhdiisu, isaguna ka mid noqdo. Arrintii Somaliland iyo Soomaaliya kolay hagaagi weyday ee khalkhal badan lagu arkay ayaa Djibouti goosatay in aanay arrintaas ka mid noqon.

Kolay noqoto dawladaha Geeska Afrika, Djibouti waxa weeye dawladaha ugu faro dhuudhuuban ee arrintan fahmi karta, Soomaaliyana fahmi karta oo door ka ciyaartay Carta shirkii la dhacay ee maanta dawladda Xamar ka dhisani ay ka bilaabantay. Djibouti ayaa u sabab ahayd, Djibouti ayaa ka shaqeysay.

Djibouti iyada oo arrintaas lug ku lahayd aad u fahamsan maanta wadciga Soomaaliya sida uu yahay, isla haddana Somaliland iyo Soomaaliya dhibaatooyinka dhacay ee suurtogel ay u noqon wayday, in haddii dawladdii lixdankii ay wada galeen hore u sii socoto oo ay burburto, dawladda aad iyo aad u fahamsani ee Geeska Afrika ku taallaa waa Djibouti weeyaan.

Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle waa dadka siyaasadda ku barbaaray ee la socday madaxbannaanida ay Djibouti heshay iyo doorka in Soomaalidana la isu-geeyo iyo mandaqadda, kolka la eego siday u dhigan tahay ama siday u dhisan tahay iyo muuqaalka siyaasadeed ee Geeska Afrika uu leeyahay ee ku saabsan jiritaanka waddanada kala duduwan iyo siday u abuurmeen. Dee, waxay ila tahay dawlado kale oo fara badan oo iyaguna aad u aanaynaya ayaa jira ee ma’aha kuwa Geeska Afrika oo keliya, waxa weeyaan dawladaha Carbeed iyo siday Geeska Afrika isugu xidhan yihiin Jasiirada Carabtu waa arrin muhiim ah weeyaan.

Caalamku isaguna si weyn ayuu arrintaas u eegayaa oo ay mas’uuliyad weyni ka saaran tahay ama Djibouti ama ciddii kale ee arrintaas dhexgasha, waayo Geeska Afrika waxa uu isku xidhaa badaha; Indian Ocean-ka, Badda Cas, Yurub, Eeshiya iyo Ustareeliya.

Waxa weeyaan meel xasaasadda dawliga ah door weyn ka ciyaari karta, dano badanina ku lifaaqan yihiin. Sidaasi awaadeed, aniga waxay ila tahay arrintu way ka weyn tahay qof shaqsi ah ama waxa uu fikir ka qabo ee waxa weeyaan waa mid siyaasaddii dawliga ahayd, tii gobolka iyo tii daakhiliga ahaydba inay wada taabanayso.

Laakiinse waxay ila tahay dawladda Djibouti, gaar ahaan Ismaaciil Cumar Geella sida uu u fahmayo ee laga yaabo arrintaas inuu isugu dhaweyn karo oo waxyaabo badan oo dadka kale aanay fahmi karo, isagu uu fahmi karo ay jiraan. Markaa waxay ila tahay inuu isagu door culus inuu ka ciyaari karo. Mar labaad aan ku celiyee arrintu waxay saameysaa oo ay tahay inay isla fahmaan waa Soomaaliya iyo Somaliland. Gaar ahaanna, Somaliland ayey tahay qaddiyadeeda siday u iibin lahayd amaba ha noqoto dawladaha Geeska Afrika ama ha noqoto dawladaha kale jaarka ee Carabta ama caalamkaba ha noqotee cidda la doonayaa inay door culus, oo caqliyeysan, oo cilmiyeysan, oo danteeda si wanaagsan u iibin kartaa waa Somaliland ayey mas’uuliyaddaasi saaran tahay.

Su’aal: Dhawaan Wasiirka Biyuhu waxa uu sheegay, ‘In wax biyo-ballaadhin ah oo loo soo wadaa caasimadda Hargeysa aanay jirin.’ Arrintaa sideed u aragtaa?

Ismaaciil Hurre Buubaa: Horta waa arrin laga xummaaddaa, waa arrin la sugayey intaas oo dhan siday Hargeysi u ooman tahay la ogsoonaa, amal (rajo) weynina ay jirtay in biyaha Xumbo-weyne ay noqdaan biyo warraabiya Hargeysa. Dadka inay dawladdii kol keliya ku tidhaahdo; ‘Arrintaas waxba kama jiraan.’ Arrintaasi waa arrin culus oo maqalkeeda si kastaba ha loo dhigee jiritaankeeda inay arrintu sidaas tahay, dee aad iyo aad u culus weeyaan. Iyada oo ay sidaas tahay, aniga waxay ila tahay, dee siyaasad baa fashilantay la doonayo in Hargeysa lagu warraabiyo, oo dawladdii KULMIYE ayaa arrintan mas’uul ka ahayd, lacag fara badan ayaa caalamku ugu deeqay arrintan. Kolkaa arrintan garanay inay fashilantaye, dadkii fashiliyey iyo siyaasaddii fashilisay maxaa laga qabanayaa weeye? Arrintani waa arrin aad iyo aad dawladda KULMIYE ee maanta jirtaa ay tahay inay dadweynaha ka qanciso, dadka ka mas’uulka ahaa lacagtaa fara badan ee loogu deeqay Somaliland ee ilaa maanta la la’yahay, cidda laga doonayo inay daba gasho, oo dadweynaha waxa jira runta uga sheegto, dadka dambigaas geystayna ciqaabta ay mutaanna maristaa waa dawladda KULMIYE ee maanta jirta.

Su’aal: Waxa jirtay shirkad ay dhawaan xukuumadda Somaliland sheegtay inay ka aasaastay waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE) oo loo bixiyey Somaliland Investment Company. Dublamaasi baad tahay xeel-dheer, bal ka warran shirkaddaas saameynta ay ku leedahay jiritaanka Somaliland iyo weliba lamacaamilka dunida inteeda kale?

Ismaaciil Hurre Buubaa: Horta sideedaba arrimahaas kale in si wanaagsan looga baaraan-deggaa ayaa wanaagsan oo aan lagu boodin aragti gaar ah, mana jecli waqtiga aynu joogno iyada oo arrinta si wanaagsan loo eego mooyee in aan ka bixiyo tacliiq culus, haddii ay sidaas tahay oo aan anigu si taxadiran hadalkayga arrintaas ku saabsan aan jecelahay inaan u dhigo. Misna haddana, waxa aad moodaa waxyaallo fara badan oo shirkaddaas ku shuqul leh, in mad-madow fara badani inuu ku jiro, dawladduna ay tahay inay dadkaa soo hordhigto oo u sharraxdo manfacadda ay u yeelan kartaana aanay si wanaagsan u caddayn. Kolkaa arrintaasi waa arrin u baahan in si wanaagsan dawladdu ay u eegto, haddii aanay dani ugu jirin waddankana ay si degdeg ah ugu noqoto, haddii ay leedahayna dan baa ku jirta inay dadka soo hordhigto.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here