Premeir League Oo Lagu Dhaliilay Baroor-diiq La’aanta Xasuuqii Masaajidka

0
1627

Xidhiidhadda Kubadda Cagta Ingiriiska Ee Premier League, English Football League (EFL) iyo Football Association (FA) ayaa lagu dhaliilay in todobaadkan xushmad iyo maamuus baroor diiq u samaynin dadkii Muslimiinta ahaa 50-qof gaadhayeen ee lagu dilay masaajid ku yaallo New Zealand.

Waxaa xusid mudan in gudaha Ingiriiska ciyaarihii Rugby (Six Nations League) ka hor inta aan la bilaabin kubbadda daqiiqad loo aamusay dadkii weerarkii argagaxiso lagu dilay masaajidka New Zealand ku yaalo Jimcadii halka kulamaddii kubbadda cagta soo agaasimeen Premier League, EFL & FA aan marnaba la isku soo hadal qaadin xasuuqii Muslimiinta loo gaystay!

Dhamaan kooxaha EPL ayaa soo xidhay maro madow, sidoo kalena daqiiqaddo u aamusnaa dadkii weerarkii Paris ka dhacay November 2015 lagu dilay, laakiin cidna isma weydiin todobaadkan xasuuqii masaajidka New Zealand ku yaalla taasi oo loo fahmay Islaam naceyb iyo laba wajiilenimo ay la soo baxeen Gudiyada horyaalada heerka koowaad, labaad iyo FA Cup-ka qaban qaabiyaan!

Yunus Lunat oo hore FA-ga Ingiriiska kala shaqayn jiray arrimaha sinaanta Jinsiga wuxuu ku tilmaamay todobaadkan waxay ay sameeyeen gudiyada tartamada kubbadda cagta Ingiriiska maamulaan kuwo laba wajiilayaal ah oo Muslimiinta dhibaatadooda ka dan qanayn.

Premier League waxaa ceeb ku ah inay bartooda Twitter-ka soo dhigeen tacsi iyo murugo ay la qaybsanayaan dadkii New Zealand masaajidka ku yaallo lagu xasuuqay laakiin aannu gudiga EPL wax amar ah ku bixinin in gudaha garoonka lagu soo xidho maro maddow sidoo kalena daqiiqad loo aamuso dhibanayaashii Muslimiinta ahaa!

Sidoo kale weerarkii magaalada Nice ka dhacay July 2016 ee 86-qof lagu dilay si weyn ayay FA-ga Ingiriiska uga hadleen weliba garoonka Wembley summada uu caanka ku yahay waxaa loo badalay midibka calanka Faransiiska sidoo kalena baroor diiqyo waaweyn ayaa gudaha Ingiriiska ka dhaceen halka FA-ga todobaadkan wax tacsi iyo ficil midna ka soo saarin xasuuqa Muslimiinta loogu gaystay New Zealand masaajid ku yaalla.

Culayska ugu weyn wuxuu ka jiraa in maamulka tartamada kubbada cagta Ingiriiska hogaankooda Muslimiintu ku yar yihiin ama aannu door go’aan qaadasho ku lahayn. Waanna sababta keentay todobaadkan in la waayay ka hadlida xasuuqii New Zealand ka dhacay iyadoo dalka Ingiriiska Muslimiin badanni ku nool yihiin sidoo kalena ciyaartooy badan oo muslimiin ahi joogaan.

Qareen Yunus Lunat wuxuu yidhi “Ceeb haku dhacdo guddiyada EPL, EFL & FA maadaama ay lumiyeen todobaadkan fursad weyn oo ay ku muujin kareen sida shacabka reer Ingiriis uga xun yihiin weerarkii ka dhacay New Zealand masaajidka ku yaall.”

LEAVE A REPLY