Orodyahanno Reer Somaliland oo Tartan Caalami ah Kaga Qaybgelaya Dalka Jabuuti

0
1543

Hargeysa (HargeisaPress)—Orodyahanno tiradoodu dhan tahay saddex xubnood oo u dhashay dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka qaybgelaya tartan dhinaca orodka ah oo ka dhici doona dalka Jabuuti maalinta Jimcaha ee ay taariikhdu tahay 15 March 2019, haddii Ilaahay yidhaahdo.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku-simaha Madaxweynaha, Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sagootiyey saddexdan dhallinyarada ah oo magaca Somaliland kaga qaybgelaya tartankaas, isagoo Madaxtooyada ku qaabilay maanta.

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ayaa la dardaarmay dhallinyaradan tartanka ka qaybgelaysa, waxana uu ku dhiirrigeliyey inay maanka ku hayaan sidii ay guul ugu soo hoyn lahaayeen qarankooda, isla markaana ay aaminaan inay rumayn karaan hammigooda ah inay tartankaas ka geli karaan kaalmaha hore.

Dhallinyaradan u amba-baxday tartanka ay kaga qayb-gelayaan dalka Jabuuti, ayaa kala ah; Xamse Bade Macallin oo ka qaybgeli doona orodka 3000M (saddexda kun ee mitir), Cismaan Cilmi Sheer oo ka qaybgeli doona orodka 5000M (Shanta kun ee mitir) iyo Khaalid Xuseen Yuusuf oo ka qaybgeli doona orodka 800M (Siddeedda boqol ee mitir), waxaanna safarkooda ku wehelinaya Mr. Mustafe Cabdiraxmaan Xaddi oo ah Guddoomiyaha ciyaaraha fudud ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

“Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna Ku-simaha Madaxweynuhu, waxa uu maanta (shalay) halka Madaxtooyada uu kulan dhiirigelin ah kula yeeshay ciyaartoyga ku soo baxay tartankii orodada Somaliland, kuwaasoo magaca Somaliland kaga qaybgeli doona tartanka ka dhacaya Jabuuti, waxayna ka qaybgeli doonaan orodka 3000mitir, 5000mitir iyo 800mitir, waxaannu tartanku ka dhacayaa Jabuuti maalinta taariikhdu tahay 15 March 2019, kulankana waxa uu ahaa mid dhiirigelin ah, maadaama ay sitaan dirayska qaranka Somaliland.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Boos Mire Maxamed oo si kooban uga hadlay ujeedada kulanka Madaxweyne-ku-xigeenku ku qaabilay dhallinyarada orodyahannada reer Somaliland.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

Hargeisapress@gmail.com 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY