Ololaha Doorashada Baarlamaanka oo ka Bilaabmay Dalka Djibouti + SAWIRRO

0
1520

Djibouti, (HargeisaPress) —Guud ahaan waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti, waxa si rasmi ah uga bilaabmay ololaha doorashooyinka Baarlamaanka dalkaas oo codbixinteedu u muddaysan tahay 23ka bishan February ee 2018.

Doorashada baarlamanka Jabuuti ee ololaheedu socdo, waxa ku tartamaya xisbiga aqlabiyadda madaxtooyada UMP iyo xisbiyada EDG PDD, kuwaas oo ku loollamaya 65 kursi oo baarlamanka dalkaasi ka kooban yahay.

65-ka xildhibaan ee loo tartamayo 35 xildhiban oo ka mid ah waxay ka soo bixi doonaan caasimadda Jabuuti, halka 30-ka kalena laga soo dooran doono afarta gobol ee dalkaas.

Ololaha doorashada baarlamanka Jabuuti waxa uu socon doonaa ilaa 23-ka bishan February oo dadweynuhu dareeri doonaan goobaha codbixinta.

Ammaanka dalka Jabuuti ayaa si weyn loo adkeeyey, waxaanay masuuliyiinta xukuumaddu ugu baaqeen xisbiyada siyaasadda inay ololahooda doorashada u qabsadaan si nabadgelyo ah.

Xukuumadda iyo Ganacsatada oo Qiime Go’an u Gooyey iibka Shidaalka Dalka

“Maanta laga bilaabo naaftada waxa lagu iibin karaa 7,200slsh, baatroolkana 8,200slsh halkii littir oo korna uma dhaafi karto, iyadoo maalmahan lagu iibinayey naaftada 7,500 SL/SH, baatroolkana 8,500Sh/Sl littirkiiba”

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here