Ogaysiis: Xaflada 18 May Iyo Washington,D.C.

0
996

Waxaa la ogaysiinayaa dadweynaha reer Somaliland ee ku nool magaalada Washington DC iyo nawaaxigeeda in habeenka Sabtida ee bishu tahay May 23, 2015 in la qaban doono xaflad loogu dabaal degaya sannad guuraddii 24aad ee kasoo wareegtay markii ay Somaliland lasoo noqotay xornimadeeda. Xafladan oo noqon doonta mid aan nooceedu hore uga dhicin caasimada dalka Maraykanka ee Washington DC waxaa inoogu marti ah oo ka heesi doonna Fanaankii waynaa ee Sir Maxamud Cumar Yare. Fanaanku wuxuu u soo diyaariyey heeso badan oo u khaas ah xuska 18 May.  Sir Maxamud waxaa ku wehiya masraxa oo heesaha la daadihinaya doona fanaan Cabdiqadir Qiiq.

Waxaa xaflada iyana inoogu marti ah madax ka socota xukuumada Somaliland iyo waxgaradka degan magaaladan Washington DC iyo nawaaxigeeda. Haddaba waxaa dadwaynaha loogu bushaaraynayaa inay xafladan sida heerka sare ah loo agaasimay kasoo qayb galaan iyagoo kala kulmi doonna wacdaro heerka sare ah.

sir dc

Fanaanka Sir Maxamud iyo kooxda la socotaa waxay wacdaro kasoo dhigeen magaalada Minnesota habeenkii Sabtida ee May 16 iyadoo ay dadweynihii kasoo qayb galay xafladaasi aad ugu riyaaqeen heesihii uu fanaanku u qaaday.

 

Wixii faahfaahin ah waxaad kala soo xidhiidhi kartaan Jamal Yuusuf Daroor.5713397777..Washington,D.C

 

Mahadsanidin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here