Odayaasha Gobolka Hawd oo Cabasho Ka Muujiyey Dad Xisbiga Waddani Baabuur Ku Geeyey Balli-gubadle oo laga yimi

0
982

Balli-gubadle, (HargeisaPress) —Qaar ka tirsan Odayaasha iyo Dhallinyarada magaalada Balli-gubadle ee xarunta gobolka Hawd, ayaa sheegay inay ka cabanayaan Dad Dhalinyar u badan oo Xisbiga Waddani Basas iyo Baabuur kale ku geeyey Balli-gubadle, mar  Shalay Wefti uu Musharrax Cirro Hoggaaminayaa Safar ku tageen, halkaas oo ay ku doodeen in Dhalinyar badan lagaga yimi oo ay ku Baabuur-waayeen markii Weftigu gelinkii dambe ee shalay ka soo ambabaxeen magaaladaas.

Xubnahan Odayaasha iyo Dhalinyarada isugu jiray oo Maanta Warbaahinta qaarkeed kula hadlay magaalada Balli-gubadle, waxay soo jeediyeen inaanay Xisbiyadu Dad ay Hargeysa ka rarteen geynin deegaannada gobolka Hawd, marka dambena kaga soo dhaqaaqin oo aanay halkaas ku caddilin Dhalinyarada ay marka horena Baabuurta ku rarayaan, marka dambena iskaga soo dhaqaaqayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here