Oday 90 Jir Ah Oo Idaacadda Radio Hargeysa Ka Dhammeeyay Tafsiirka Quraanka Kariimka Ah

0
1597
Aw Maxamed Ibraahin Ismaacil oo ah oday da’da sagaashamaadka ku jira

Hargeysa, (HargeisaPress) —Aw Maxamed Ibraahin Ismaacil oo ah oday da’da sagaashamaadka ku jira oo reer Hargeysa ah ayaa mudo shan iyo toban sanadood ah tafsiirka quraanka kariimka ah ka baranaayay idaacada Hargeysa oo uu ku xidhnaa.

Odaygan ayaa dadka muslimiinta ah ugu baaqay in muhiimadu ay tahay inay bartaan cilmiga diiniga ah isla markaasna ay xooga saaraan ka faa’idaysigiisa iyo ku dhaqankiisaba. Sheekh Maxamed Cumar Dirir oo ka mid ah culimada ku caanka ah tafsiirka quraanka kariimka ah ayaa tusaale wanaagsan ku tilmaamay odaygan xooga saaray inuu idaacada ka barto quraanka kariimka ah tafsiirkiisa, sida oo kale maamulka idaacada quraanka ee Somaliland ayaa arintan ku tilmaamay midhaha barnaamijkii ay sii daynayeen oo ay arkeen.

Aw Maxamed ayaa sheegay inuu toban jeer dhameeyay tafsiirka quraanka kariimka ah, isaga oo weriye Khaalid Foogaadhi oo ka tirsan telefishanka Goob Joog, waxaanu baaq u diray umadda muslimka ah”Inta aad adduunyada joogtaan waxna barta waxna dadka bara sidaas ayaanu had iyo goor nidhaahnaa, waxaanu nidhaahnaa kutubta barta oo dadka xaqa u sheega oo waxii xaaraan ah umadu ha ka hadho oo waxii xalaal ahna yeela, dhaqanka diinta waa in lagu dhaqmaa laakiin haddii aad barato oo aad ku dhaqmi wado miyaanay masiibo ahayn.” sidaas ayuu yidhi Maxamed.

Aw Maxamed ayaa meesha ka saaray in cilmiga laga gaboobo “Ka gaboobi mayno oo waanagaa imika wadna, carurur ayaanu ahayn markii aanu galbeed qabanay oo macalin shiikhaal ah oo 18 gole kiciyay ayaa noo macalin ahaa.”

Sheekh Maxamed Cumar Dirir oo caan ku ah tafsiirka quraanka kariimka ah oo inta badan kaga soo muuqdo isaga oo ka marinaaya idaacadaha iyo tilifishanada Soomaalida ayaa arintan ku tilmaamay tusaale nool, waxaanu yidhi”Aw Maxamed waa uu ku amaananayahay tusaalena waa uu u yahay oo waa uu ku haboon yahay inay ku daydaan odayaashu oo ay ku daydaan dhalinyaradu oo ay ku daydaan raga iyo dumarka intuba, nabi Muxamed CSW waxa uu tilmaamay dadka ka ugu khayr badan inuu yahay qofka quraanka baranaaya iyo ka baraaya, haddii uu labadaba isku sii darana waa uu ka wanaagsan yahay.Tusaale ayuu u yahay Aw Maxamed da’yarta cilmiga barashadiisu waxa uu ku sii fiican yahay inta qofka muruqyadiisu ay xooga yihiin ee tamartiisu badantahay ee qaybitaankiisu uu fiican yahay, waata la yidhaahdo cilmiga oo lagu barto yaraantu waxa uu ka dhigan yahay dhagax wax lagu qoray, dhagaxa marka wax lagu qoro macnaheedu waxa weeye in aanu baaba’ayn, qofkii weynaa waa uu ka duwan yahay oo hami badan ayuu xanbaarsan yahay oo maraaya, markaas da’yarta waxaanu leenahay ku mashquulsan Tignoolajiyada iyo agabka wax lagu baahiyo inay dhinaca fiican u jeestaan.”

Maamulaha idaacada quraanka ee Hargeysa Maxamed Cabdilaahi Shabeel ayaa arrintan isaguna ku turjumay midhaha shaqadoodii oo ay arkayaan”Barnaamijka tafsiirka quraanka kariimka ahi waxa uu ka mid yahay barnaamijyada idaacada ka baxa runtii uguna dhagaysiga badan, waxay nooga dhigan tahay inuu hirgalay baahinta barnaamijkani, barnaamijkan waxa ku taxan dad da’ kala duwan leh oo waayeel iyo dhalinyaraba leh oo runtii qaarkood ama badankoodii ay kaga maarmeen inay masaajido iyo goobo gaar ah oo waxbarasho ay u tagaan barashadii tafsiirka waxa ka kaafiday idaacada quraanka oo todobaadkii laba jeer maalin walba u soo daysa tafsiirka quraanka.”

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here