Nuxurka Kulan Dhex Maray Wakiilka Baanka Adduunka iyo Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Somaliland + SAWIRRO

0
1215

“Waxaanu Banggiga Aduunka U Soo Bandhignay Warbixin Qoraal Ah Oo Aanu Ka Samaynay Halkii Laga Soo Bilaabay Dib U Habaynta Shaqaalaha Dawladda, Hiigsiga Dhaw Iyo Himilada Mustaqbalka Fog…”

Hargeysa , (HargeisaPress) —Wakiilka ugu sareeya Bangiga Aduunka ee dalalka Somaliland iyo Somalia Mr Mr Hugh Riddell, ayaa Soo gaadhay magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa, waxaana u jeedada safarkiisu ahaa mahadnaq iyo bogaadin shaqadii adkayd ee Hay’adda shaqaalaha dawladda ee Somaliland ku diwaangelisay shaqaalaha dwladda ee guddaha dalka ku sugan.

Kulanka uu shalay Wakiilka ugu sareeya Bangiga Aduunka ee dalalka Somaliland iyo Somalia Mr Mr Hugh Riddell uu kula yeeshay Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle iyo saraakiisha kale ee hay’adda shaqaalaha, ayaa kulankaasi oo ka qabsoomay Xarunta Hay’adda shaqaalaha ee Hargeysa, waxa sarkaalkani Bangiga aduunka ka socday uu si wayn u bogaadiyey uguna mahadceliyey Hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland ee dalka ka fulisay mashruucii diwaangelinta shaqaalaha dawladda, waxaana Guddoomiye sharmarke Geelle oo kulankani faahfaahin ka bixyey kulanka ay la qaateen Sarkaalkan ka socda Baanka Aduunka uu qoraalkiisa ku yidhi.

– Wakiilka Bandiga aduunka “World Bank” u qaabilsan amuuraha Somaliland iyo Somalia Mr waxaa Hugh Riddell oo ay wehelinayaan saraakiil sar sare oo ka socota banggiga aduunka iyo sida oo kale agaasimaha guud ee qorshaynta ayaa socdaal isugu jira booqasho iyo bogaadin ku soo gaadhay Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL

– Intii kulanku socday ayaa gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Md Sharmaarke Axmed Muxumed uga  xaal waramay  xogta iyo xaalka dhinacyada is-kaashi ee banggiga aduunka iyo sida oo kale hay’adda shaqaalaha dawladda, iyada oo ay  ka wada hadleen  hannaanka haboon iyo hilinka loo marayo hiigsiga hay’adda shaqaalaha dawladda ee helitaanka shaqaale xulan, xirfad le oo xoolo iyo xasaanad ba ka dhisan. Sida oo kale Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda ayaa banggiga aduunka u soo bandhigay warbixin qoraal ah oo ay ka sameeyaan halkii laga soo bilaabay dib u habaynta shaqaalaha dawladda, hiigsiga dhaw iyo himilada mustaqbalka fog

– Mr Hugh Riddell ayaa dhinaciisa bogaadiyey hawshaa baaxada badan ee hay’adda shaqaalaha dawladdu qaranka u hayso iyo sida xirfada, xisaab-celinta  iyo xikmada leh ee ay u wada shaqeeyaan labada dhinac isaga oo u rajeeyey mustaqbal wanaagsan iyo wada shaqayn tolmoon.

 

Isku soo wada duuboo, hawl-qabadka dib u habaynta shaqaalaha dawladda oo mudooyinkii u dambeeyey ahaa shamac ka dhex ifayey mashaariicda horumarineed ee dalka Somaliland soo gaadhay ayaa saxiibada hay’adda shaqaalaha ka taageera ka tibaax bixiyeen sida ay ugu qanacsan yihiin hab-socodka iyo hogaaminta uu  ku socdaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here