Nuxurka Kulan Caawa Hargeysa Ku Dhexmaray Musharaxa Madaxwaynaha UCID Iyo Madaxdhaqmeedka & Waxgarad Ka Soo Jeeda Beelaha Subeer Awal

0
1132

news logo HPHargeysa,(HargeisaPress) — Musharaxa Madaxwaynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa Caawa guri ku yaala degmadda Ibraahim Koodbuur ee magaaladda Hargeysa kulan kula yeeshay Madaxdhamqeed, waxgarad, aqoonyahan, siyaasiyiin, xildhibaano iyo dhalinyaro tiro badan oo ka soo jeeda beelaha Subeer Awal.

Shirkan oo socday mudo dhawr saacadood ah ayaa lagu gorfeeyey arrimo door ah, kuwaas oo ku taxaluqa xaaladaha dalku galay iyo sidii loo midayn lahaa siyaasiyan beeshaasi, kuwaas oo dhamaantood dadkii halkaasi ka wada hadlay ay madashaasi ku iclaamiyeen inay taageeradooda siin doonaan doorashooyinka soo socda xisbiga UCID.

Kulankan ayaa arrimihii lagu falanqeeyey waxa ka mid ahaa sidii dalka looga badbaadin lahaa xukuumadda Kulmiye oo masuuliyiintii madasha ka hadashay ay dhamaantood ku dhaliileen inay ku fashilantay hogaaminta talada dalka, kuwaas oo isku qanciyey in badbaadada Somaliland ay wakhtigan ku xidhan tahay in la taageero asxaabta mucaaridka gaar ahaan xisbiga UCID oo musharaxiisa madaxwaynaha ay kalsooni iyo taageeraba halkaasi ugu muujiyeen.

Sidoo kale shirkan oo ay ka soo xaadireen ku dhawaad 20 xubnood oo iskugu jira Madaxdhaqmeedka Subeer Awal, Aqoonyahano, dhalinyaro, siyaasiyiin, xildhibaano iyo waxgarad tiro badan ayaa waxa masuuliyiintii halkaasi ka hadashay ka mid ahaa Guddoomiye ku xigeenka 3-aad ee xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), Ibraahim C/laahi Xuseen (Dhago-wayne) oo ka mid ah siyaasiyiinta madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka, Xildhibaan Qabile, Xubno ka mid ah Madaxdhaqmeedka iyo Musharaxa Madaxwaynaha UCID Jamaal Cali Xuseen, kuwaas oo dhamaantood sheegay in dalku u baahan yahay badbaado isla markaana ay lagama maarmaan tahay in isbadal siyaasi ah uu ka dhaco, isla markaana codkii ay ku timid xukuumadda Kulmiye lagu badalo.

Musharaxa Madaxwaynaha UCID Jamaal Cali Xuseen oo isagu ugu danbayn halkaasi ka hadlay ayaa Madaxda dhaqanka iyo waxgaradka kale ee shirkaasi iskugu yimid uga mahadnaqay taageerada ay u muujiyeen, isagoo u balanqaaday hadii uu talada dalka ku guulaysto inuu si cadaalad ah u hogaamin doono oo aanu beeshiisa Sad-bursiimo-na siin doonin xaq ay leeyihiina aanu ka qaadi doonin, isagoo si qoto-dheer uga waramay sababta ku kaliftay hankiisa Madaxwayne-nimo, tilmaamay inaanu Somaliland u imanin inuu ka shaqaysto ee uu u yimid sidii uu bulshadda Somaliland ugu hogaamin lahaa horumar.

Jamaal waxa uu sidoo kale sheegay inaanay aqbali doonin wax mudo kordhin ah oo ay xukuumadu la timaado.

Ugu danbayn waxa kulankaasi lagu go’aamiyey sidii loo samayn lahaa Guddi ka kooban qaybaha bulshadda beelaha Subeer Awal oo ka shaqaysa horumarka iyo sidii siyaasiyan loogu midayn lahaa beeshaasi, isla markaana guddidaasi ayaa shaqadeeda la xussay inay noqon doonto mid isku soo dhawaysa beesha Subeer Awal iyo beelaha kale ee Somaliland.

Dhinaca kale Madaxdhamqeedkii, waxgaradkii, aqoonyahankii, siyaasiyiintii, xildhibaanadii iyo dhalinyaradii shirkaasi iskugu timid ayaa u balamay shirar kale, iyagoo isku afgartay inay ka shaqeeyaan sidii looga midho dhalin lahaa arrimaha ay kulankoodan caawa ku falanqeeyeen.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here